qisadii xiisaha badneyd ee nabi muuse iyo khadir
السلام عليكم ورحمة
الله وبركاته
Waxaan
filayaa dhammaantiina in aad horay u maqasheen nin lagu Magacaabi jiray khadir.
oo aad la
yaabteen sida ay dadku u Qaddariyaan oo ay uga sheekeeyaan karaamooyinkiisii layaabka
badnaa.
Wuxuuna Alle
SW ku xusay qur’aankiisa kariimka ah, markii uu inooga warramayay qisadii dhax
martay isaga iyo nabi muuse CS.
Balse sidee
buu khadar aqqoontiisii, iyo karaamooyinkiisii layaabka badnaa ooga yaabsaday
nabi muuse CS?,
Maxaase
khadar magacaan loogu Bixiyay asalkiisii hore?
Ma dhabbaa
in uu noolyahay illaa iyo maanta?,
Waxaan halkaan
idinkugu soo gudbin doonaa tafaasiil
fara badan oo layaab leh oo ku saabsan qisadii dhax martey khadar iyo nabi
muuse CS,
anigoo
daliil uga keeni doona qur’aanka kariimka ah iyo sunadaba,
Waxaan marka
hore idinkaga warami doonaa: qisadii dhax martay khadar iyo nabi muuse CS,Kadib
ayaana idinkaga jawaabi doonaa in khadar uu noolyahay iyo in kale.
Maalin
maalmaha kamid ah ayuu nabi muuse CS ka dhax istaagay qoomkiisa isaga oo u
khudbeynayey oo waaninayay.
Markaasbuu
wax badan uga sheegay wax yaabihii uu alle SW baray, wuxuuna u jeediyay khudbad
aad u layaab badan Oo saameyn leh.
Taasoo
dhamaan qoomkiisa ka fajicisay oo dadkuna aad u layaabeen, Markaasbuu nin kamid
ahaa Qoomkiisa intuu soo istaagay hortiisa ku yiri:
yaa nabiyyallah ma jiraa oo malaga helayaa aduunyada qof adiga kaa aqoon badan?
Markaasbuu
nabi muuse CS ugu jawaabay: Maya.
kadibna alle
ayaa canaantay nabi muuse CS, maadaama uusan isla markaas alle uga Mahad celinin fadliga iyo aqoontii
uu siiyay.
Markaasbuu
alle SW u waxyooday nabi muuse CS oo ku yiri: (muusow maxaa ku ogeysiiyay halka
uu alle dhigayo Aqoontiisa? Waxaan leeyahay adoon Adiga kaa aqoon badan Kaasoo ku
sugan majmacal baxreyn), ama halka ay -ku kulmaan labada badood.
Markaasbuu
nabi muuse CS rabigiisa weydiistey wadadii uu u mari lahaa.
Markaasbuu
alle SW ku amray in uu soo baxo isagoo Horayna usoo qaadanaya xuud ama malaay ween, wuxuuna u sheegay in meesha uu
malaygaasi kaga carari doono ay tahay halka uu ku suganyahay Ninkaasi.
kadibna nabi
muuse CS Ayaa soo baxay isagoo uu la socday adeegihiisa Oo la oran jirey yuushac), waxyna lugeynayeen ilaa ay ka soo gaareen meel Uu
yaaley dhagax Aad u Weeyn,
Markaasbuu
nabi muuse CS go’aansaday in ay ku nastaan dhagaxaan Hoostiisa, kadibna nabi
muuse CS Ayaa gam’ay oo hurday.
Iyagoo
sidaas ku sugan ayaa waxaa dhacday in malaygii ay wateen ay soo gaaraan xooga
biyo ah Oo kamid ahaa biyihii bada,
Markaasbuu
alle SW soo nooleysiiyay Malaygii, Kadibna Baddii ayuu dhax galay oo ku Carartay,
Wax yer kadibna nabi muuse CS ayaa ka soo toosay hurdada, Kadibna Waxey meesha ka sii wateen safarkooda.
Yuushacna
wuu iloobay in uu nabi muse CS u sheego malayga wixii ku dhacay, Waxay sii
watteen safarkooda ilaa ay aad ula
daaleen socodka Dheer iyo mashaqadii Safarka, Markaasbuu nabi muuse cs
adeegihiisa ku yiri: (noo soo diyaari cuntadeena),
Markaasbuu
yuushac xasuustay wixii ku dhacay Malaygii, Markaasbuu ku yiri: yaa
nabiyyallah, sooma xasuusatid markii aan dhagaxii weynaa hoos hurdeyney, markaas
Ayuu malaygii bada ku cararay, sheydaan ayaana
I ilowsiiyay in aan kuu sheego.
Markaasbuu
nabi muuse CS aad u farxay oo ku yiri: taasi waa waxa aan sugaayay, kadibna waxey dib ugu soo laabteen
halkii uu yaalay Dhagaxii weynaa.
Markaasbey
Waxey arkeen: nin intuu Maro isku dadey dhulka jiifa, Ninkaasoo ahaa Ninkii uu
Nabi muuse CS Raadinaayey, Magaciisana Waxaa La oran jirey khaddar.
Markaasbuu
nabi muuse cs salaamay khadar Kadibna Khadar Ayaa ugu jawaabay, xageebaad iga
soo salaantay?,
Markaasbuu
Nabi muuse cs ugu jawaabay waxaan ahay Muuse, Kadibna khadar Ayaa ku yiri: ma
waxaadtahay muusihii banuu israaiil?,
Markaasbuu
ku yiri: haa, waxaan rabaa in aan ku raaco si aad wax iiga barto wax yaabihii
uu alle SW ku baray.
Markaasbuu
khadar ugu jawaabay: soo kuguma filna in aad heysato towraad, oo uu waxyiguna
kuu yimaado, maxaa yeelay uma dulqaadan kartid in aad I raacdo, Muusow aniga
wuxuu alle SW I baray wax adiga aadan aqoonin, Adigana wuxuu ku baray wax aniga
aanan Aqoonin.
Markaasbuu
nabi muuse CS ugu jawaabay
قال ستجدني انشاء الله صابرا ولا أعصي لك أمرا
Inshaa allah
Waad I arki Doontaa in aan ku sabraayo Wax walbo oo Aan kaala Kulmo, Wax aad I amartidna Ma khilaafi Doono.
Markaasbuu
khadar u ogolaaday in uu raaco nabi muuse CS, balse wuxuu ku shardiyay in uusan
waxbo ka weydiinin wax yaabaha uu ku
arki doono ilaa ay ka gaaraan dhamaadka Safarkooda.
Markaasbey
nabi muuse CS iyo khadar soo baxeen iyagoo ku socday xeebta, kadibna waxay arkeen doon ku socotay
bada, Markaasbey doonleyda ka codsadeen in ay horey u sii qaadaan.
Kuwii doonta
watay ayaana gartay Khadar balse ma aysan garan Nabi muuse CS, kadibna si lacag
la’aan ah Ayey ku qaadeen iyagoon waxba kaga bedelaneynin ama waxba ka
qaadaneynin.
Markii ay
doontuu soo gaartay meeshii ay ku xeran Lahayd oo ay soo istaagtay, ayuu khadar
alwaax kamid ahaa alwaaxyadii Ay doontu ka sameysned Intuu ka jebiyay bada ku
tuuray isagoona doonta dhinac ka
Dilaaciyay.
Ficilkaan uu
khadar sameeyay ayaa Nabi muuse CS si weyn uga fajiciyay,Markaasbuu is yiri:
dadkaan waa ay idin karaameeyeen, weliba iyagoon waxba naga qaadan ayey nasoo Qaadeen, muxuu
doontooda Uga Duleelinayaa oo uu ooga kharibayaa?.
Nabi muuse
CS ayyaana u dulqaadan waayay in uu ka aamuso,-Markaasbuu isagoo careysan
khadar ku yiri
: قال أخرقتها لتغرق أهلها قد جئت شيئا امري
Ma waxaad
doonta u duleelisay in aad maansheyso Ahalkeeda? waxaadba la timid wax aanan la qaadan karin?.
Markaasbuu
khadar isagoo careysan soo eegay oo ku yiri
:قال ألم أقل لك إنك لن تستطيع معي صبرا
Soo horey
Kuuguma aanan Sheegin In aadan U dulqaadan Karin In aad I raacdo.
Markaasbuu
nabi muuse CS xasuustay wixii uu kula
balamay khadar, markaasbuu u cudur daartay oo ku yiri: ha ii qabanin waxaan
iloobay ee ka raali noqo.
Markaasbey
dhaqaaqeen oo socodkoodii meesha ka sii wateen ilaa ay u yimaadeen, wiil yer Oo
la cayaarayey caruur kale oo saaxiibadiisa ah,Markaasbuu Khadar Wiilkii intuu
gacantiisa madaxa ooga qabtay qoorta ka kala siibay oo dilay.
Markaasbuu nabi
muuse CS aad oola yaabay, oo dareemay cabsi iyo argagax, Allena SW wuxuu yiri
:قال أقتلت نفسا زكيتا بغير نفس لقد جئت شيئا
نكرا
Wuxuu ku
yiri: sideebaad u dileysaa naf aanan waxba galabsan?- waxaad sameysay jariimo
aad u ween.
Khadar ayaa
ugu jawaabay
:قال ألم أقل لك إنك لن تستطيع معي صبرا
Muusow
horaan kuugu sheegay in aadan u dul qaadan karin wax yaabaha aad arki Doonto.
Markaasbuu
nabi muuse CS ka xumaaday Wixii uu sameeyay, KadibnaWuxuu Ku yiri iska keey
cafi oo I saamax waan is iloobeye_Hada kadib hadii aan su’aal ku weydiiyana iga
tag oo weligaa dambe ha ila saaxiibin.
Kadibna
Khadar ayaa ka ogolaaday oo ku Waafaqay.
Halkaan
markaan mareyno rasuulkeena Muxamad CSW
ayaa wuxuu yiri
رحمة الله علينا وعلي موسي لولا أنه عجل لرأي العجب ولكنه أخذته من صاحبه
ذمامة
Ilaahay
naxariistiisa dusheena iyo muuse dushiisa ha ahaatee, haduusan degdegi lahayn
wax yaabo badan oo uu la yaabo ayuu arki lahaa,- balse waa uu iska Qadiyay.
Intaas
kadibna nabi muuse iyo khadir ayaa meesha ka sii watey- safarkooda ilaa ay ka
soo gaareen tuulo dadkeedu ay bakhiilnimo ku sifoobeen, kuwaasoo aanan martida xaqeeda
siinin,Labadoodana raashiinkii ayaa ka dhamaaday,
markaasbey
tuuladii ku leexdeen iyago Doonayey In ay weydiistaan cunto iyo
Cabitaanba,Kadibna Dadkii Tuuladaas Deganaa Ayaa u Diideen in ay quudiyaan ama
ayraashiin Siiyaan, Markii iyagoo gaajeysan ay qaryada ka sii baxayeen Ayaa
waxey arkeen darbi qaloocdey oo u dhow in uu dumo, Markaasbuu khadir wuxuu doontey
dhoobo iyo dhis, wuxuuna habeen dhan ku qaatay dhisida iyo toosinta Darbigaas, ilaa
uu ka noqday darbi adag oo is heysta.
Nabi muuse
CS ayaa aad ula fajacay wuxuu arkay, Waxaana ka yaabiyay wanaaga uu khadir u sameeyay
dad aanan xaq u lahayn, Waayo Waa kuwii
u diiday in ay raashiin iyo cabitaan siiyaan.
Markaasbuu
nabi muuse CS khadir ku yiri: waxaan usoo martinay Dadkaan- mana aysan na marti
qaadin mana ayan na quudinin, adiguna darbigaan ayaad u dhiseysaa adigoon waxba
ka qaadaneyn, adigoo awooda in aad taas bedelkeeda ujro ama qarash
Weydiisato-Waana xaqaagee, maxaadan sidaas u sameyneenin? Allena SW wuxuu yiri:
فوجدا فيها جدارا يريد أن ينقض فأقامه قال لوشئت لاتخذت عليه أجرا
Nabigeenuna
SC wuxuu yiri: ilaahay hau naxariisto muuse waxaan jeclaan laheen in uu sabri
lahaa si uu nooga Waramo arrinkooda).
Markaan
khadir ayaa dhibsaday Nabi muuse, kadib
markii uu saddex jeer -kula balamay in uu sabro, balse uu awoodi Waayay, Markaasbuu
ku yiri
:قال هذا فراق بيني وبينك سأنبئك بتأويل مالم
تستطع عليه صبرا
Isagoo ula
jeeda muusow ma sabri kartid, -waxaana waajib kugu ah in aad iga tagto, balse Inta
aanan kala tagin waxaan kuu sheegaya, ujeedooyinka wax yaabihii layaabka lahaa ee aad aragtay Anigoo
Sameynayey,
-أما السفينة فكانت لمساكين يعملون في البحر فأردت
أن أعيبها وكان ورأهم ملك ر يأخذ كل سفينة غصبا
Taasoo uu
ula jeeday: kuwii doonta lahaa waxay ahaayeen- dad Wanaagsan- oo aad u fiican,
waxaan rabay in aan abaalkooda u gudo Waxaa halkaas joogay boqor daalim ah oo qaadanaya doon walba
oo cajabisa,
wuxuuna iska
dhaafayaa doon walba oo ceeb leh Waxaan Doontooda u jebiyay si boqorkaas uusan
uga qaadan doontooda,
وأما الغلام فكان أبواه مؤمنين فخشينا أن
يرهقهما طغيانا وكفرا
Wuxuu ku
yiri: Canugii yeraa ee aan qoorta ka kala siibeyna, wuxuu alle SW I ogeysiiyay
in hadii uu weynaado uu noqon doono nin kaafir ah oo isla weynin badan, oo ahalkiisana dhibi doona oo dhibaatooyina usoo jiidi doona,
Wuxuuna
sidaas u sameyn lahaa gaalnimo iyo xad gudubkiisa Awgii Allena SW wuxuu I ogeysiiyey in uu bedelkiisa ku arzaaqi
doono canug wanaagsan oo u gargaari doona, markaasbaan dilay anigoo u
naxariisanaya Waalidiintiisa.
Darbigii
tuulada aan ku dhiseyna, wuxuu alle SW I ogeysiiyay- in ay iska lahaayeen laba
canug oo yeryer oo agoon ah, waalidkooduna wuxuu ahaa nin wanaagsan, wuxuuna keed
ugu qariyay darbigaan Hoostiisa,_
Waxaan ka
baqay in darbiga uu dumo Kadibna- keydkii ama kanzigi uu soo muuqdo, Oo kadibna
dadkii tuulada ee bakhiiliinta ahaa ay ka qaataan oo ay ka
Qadiyaan,_Markaasbaan u adkeeyey oo u dhisay si labadaan agoon ay usoo baxsadaan
markii ay Waaweynaadaan,
Kuwaasina
waa tafsiirka ficilladii aad u Dulqaadan- kari weydey in aad indhaha ka daawato).
Khadirna waxaa
magacaan loogu bixiyay, sida kusoo aroortay xadiis saxiix ah,
Khadir ayaa
maalin maalmaha kamid ah dhax fadhiistay dhul qalalan oo cara cad ah oo aanan
dhir lahayn, kadibna ilaahay qudradiisa Dhulkii Ayaa isku Bedelay dhul
cagaaran,Taasoo ahayd karaamo uu alle SW ku karaameeyay khadir.
Dhacdadaas
wixii ka dambeeyeyna khadir ayaa lugu magacaabay Khadir.
Waxay dad badani aaminsanyihiin in khadir uu weli Noolyahay karaameyn uu alle SW karaameeyey awgeeda, Balse xaqiiqada ayaa waxaytahay in inta badan culimadu ay isku raacsanyihiin in uu dhintay oo uusan Nooleen, Balse waxaa jiraan riwaayado badan oo aanan daliil lahayn- oo ku sugan kitaabada qaar kuwaasoo sheegaya in uu noolyahay, balse riwaayadaha qaar lama qaadan karo sanadkooda oo daciif ah Awgii, Sida raajaxa ahna waa in uu geeriyooday oo xaalkiisuna uu lamid ahaa- xaaladaha dadka kale ee banii aadamka ah).
هذا والله سبحانه وتعالي أعلي وأعلم وصل الله وسلم وبارك علي سيدنا محمد
وعلي آله وصحبه أجمعين والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Labels: Qisooyin
0 Comments:
Post a Comment
Subscribe to Post Comments [Atom]
<< Home