Monday, September 12, 2022

qisadii cuteyba ibnu abii lahab, ninkii nabiga SC indhaha ooga candhuufay

 


السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Dhammaanteenu waxaan wada ognahay abuu lahab in uu ahaa cadowgii islaamka, iyo cadowgii ugu weynaa ee nabigeena SC

Waana kii alle SC ku soo dejiyay suurad dhan oo quraanka kamid ah oo lugu lacnadayo isaga iyo xaaskiisa umu jamiil

Balse waxaa yer dadka yaqaana waxa ay caruurta abii lahab dadka hortooda si naxariis darro ah ugu sameyn jireen nabiga SC iyo gabdhihiisa ruqiyo iyo umu kalthuum

Waxaana yer dadka yaqaana sida uu alle SW uga aargoostay

waxaan Maqaalkaan gudihiisa idinkaga sheekeyn doonaa qisadii cuteyba ibnu abii lahab, kaasoo nabiga SC indhaha ooga candhuufay,

Wuxuuna alle SW nabigiisa ugu aaray meel uusan ka fileyn.

Ka bogasho wacan

Aan u imaano qissadeena maanta

Nabiga SC adeerkiisa abuu lahab wuxuu ahaa islaamka kahor mid jecel nabiga SC, wuxuuna lamid ahaa qoomkiisa intooda kale

Nabiguna SC wuxuu qoomkiisa dhexdooda ka ahaa mid loo yaqaanay runlowgii aaminka ahaa

Nabiga iyo abii lahabna waxaa u dhaxeeyay xiriir qaraabanimo oo aad u adag

Wiilkisa ween oo loo yaqaanay cutba ayaa guursaday ruqiyo RC oo ahayd gabadhii nabiga SC,

Sidoo kale wiilkiisa kale ayaa guursaday walaasheeda umu kalthuum RC

Markii uu waxyigu kusoo degay nabiga SC oo uu bilaabay in uu diinta dadka gaarsiiyo, abuu lahab wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee beeniyay oo la collowtamay

Markii uu abuu lahab ogaaday in wiilkii uu adeerka u ahaa muxamad uu diin cusub dadka ugu yeerayo, waa uu iska bari yeelay wuuna dhibsaday

Wuxuuna bilaabay in uu dadka uga digo oo uu ku diro

Si walbo oo uu ku dhibaateyn karana waa uu sameeyay

Ilaa uu markii uu arko nabiga SC oo dadka diinta ugu yeeraya intuu gadaashiisa istaago cod dheerna ku dhihi jiray muxamad waa beenlow, muxamad waa uu ka baxay diinteena

Isagoo ula jeeda diinta qureysh oo ahayd in la caabudo laata iyo cuzza

Abii lahab magaciisa dhabta ahna wuxuu ahaa c/cuzzaa binu c/mudalib,

Qof walba oo islaamana waa uu dhibi jiray

Xaaskiisaan la nacladayna waxay ugu kaalmeen jirtay dhibaateynta nabiga SC

Qodxo ayyee wadada u dhigi jirtay nabiga SC si ay u mudo isaga iyo asxaabtiisa,.

Maalin maalmaha kamid ah alle SW ayyaa nabiga SC kusoo dejiyay suuratul masad, taasoo uu abii lahab iyo xaaskiisa ugu bishaareeyay naarta jahanamo

Markii uu abii lahab ogaaday arrinkaana waxaa u kordhay xanaaq iyo caro

Markaasu u tagay labadiisa wiil oo kala ah cutbaa iyo cuteybaa, wuxuuna ku amray in ay wada furaan labadii gabdhoodo ay ka qabeen nabiga SC oo kala ahaa ruqiyo iyo umu kalthum, isagoo sidas u yeelaya in uu nabiga sc oga aarguto isaga iyo xaaskiisaba

Wuxuu ku yiri: madaxayga iyo madaxiina waa kala xaaraan haddaadan furin labadii gabdhoodo ee muxamad,.

Markii uu wiilkiisa cuteyba u kacay in uu shaam u raaco aabihiisa wuxuu yiri: muxamadban u tagaya waana soo dhibayaa

Wuxuu u tagay nabiga SC wuxuuna ku yiri:

يامحمد إني كافربالنجم اذاهوي وباللذي دنافتدلي

Kadibna nabiga hortiisa ayuu ku candhuufay gabadhiisa umu kalthuumna waa uu furay

Nabiga SC ayaa ka carooday, wuuna habaaray oo wuxuu ku yiri:

اللهم سلط عليه كلبامن كلابك

Cuteyba ayyaa asxaabtiisa ganacsi ugu raacay shaam, iyagoo wadada kusii jira waxaa usoo baxay libaax, wuxuuna ka yeryeeray hortooda

Cuteyba ayyaa aad u naxay dhulkii ayaana ciriiri ku noqday, wuxuuna jirkiisu bilaabay in uu jareeyo isagoo ku dhax jira asxaabtiisa

Waxay ku dheheen: maxad la jareynesa?

Wuxuu yiri: muxamad ayaa isoo habaaray habaarkiisana waala aqbalaa

Kadibna meel ayyey degeen

Qof raahib ah oo meesha ku lahaa mowlac ayaana siiyay oo u ogolaaday in ay degaan mowlaciisa, wuxuuna ku yiri: halkaan waa meel dugaag badan

Markaasay alaabtooda isku keeneen oo is dul sasaareen kadibna alaabta korkooda ayee cuteyba u gogleen iyagoo ilaalinaya ammaankiisa iyaguna waxay seexdeen dhinacyadiisa

Libaax ayyaa u yimid iyagoo hurda markaasu dhamaantood ka ursaday madaxa ilaa uu ugu danbeyntii ku tagay cuteyba, markaasu halmar ka qabtay madaxa oo ka burburiyay wuuna ka takhalusay,

Habaarkii nabiga SC ayaana u rumoobay, cuteybana wuxuu dhintay isagoo gaal ah

Abii lahab wuxuu dhalay 6 caruur ah, waxaana ka islaameen labo kamid ah,

Abii lahab dhimashadiisuna ma ahayn mid ka wanaagsaneed dhimashada wiilkiisa cuteyba xaga xanuunka iyo dulinimada

Waxaana ku dhacay cudur xun oo loo yaqaano maradul cadasah

Dadkii ayaa ka wada fogaaday oo iska takooray awlaadiisuna waa ay ka fogaadeen, ilaa uu ka geeriyooday isagoon cidina u dhawaaneen cabsi laga qabay xanunkas awgii

Kadibna god ayee u qodeen ulo ayeena ku qaadeen ilaa ay godka ugu duugeen,

Wuxuu adduunyo ku helay dulinimo iyo cadaab, aakhirana waxaa sugaya ciqaab iyo jahanamo oo uu ku waari doono

وصل الله وسلم وبارك علي سيدنا محمد وعلي آله وصحبه أجمعين

والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Labels:

Saturday, September 10, 2022

waxey aaday qabriga wiilkeeda si ay ugu duceyso markaasbay maqashay codkiisa

 




      



السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

      Xasan al basri allah haka raali noqdee ayaa wuxuu yiri: aniga oo dhax taagan wado kamid ah wadooyinka madiina  xilli qoraxduna ay aad u kululeyd, markaasbaan arkay janaazo ay wadaan 4nin oo keliya, waxaan is iri waa janaazo afar qof keliya ay wado wlh aniga ayaa 5 ku noqonaya oo raacaya

      Xasan al basri ayaa daba kacay jinaazadii, wuxuuna sugay ilaa laga aasay oo afartii nin ay ka dhameeyeen aaska

      Markaasuu ku yiri maxaad u tihiin afar qof oo keliya?

      Markaasay dheheen: wlh inaguba ma ogin sababta aan affar keliya u nahay

      Duqdaan ayaa na shaqaaleesiisay oo lacag nagu siisay in aan dhaqno oo aan karfano oo aan qaadno oo aan soo duugno.

      Markaasuu yiri: subxaanallah xita afarta qof waa kuwo la soo kireeyey

      Xasan al basri ayaa istaagay oo sugay haweeneydii duqda ahayd duugta kadib

      Markaasuu arkay duqdii oo jilba jabsatay oo gacmaheedana samada ku taagtay oo dhahaysa:

      يا رب من لي سواك هذا هوولدي العاصي ذوالقلب القاسي عصاك مرارا وتكرارا وتجرأ علي معصيتك اللهم فارحمه اللهم فتجاوز عنه ياااا ربي من لي سواك

      Taasoo micnahuudu tahay:

      Yaa rabi yaa allah, ilaahayow cid aan adiga aheen malihi, kani waa wiilkeygii caasiga ahaa ee qalbigiisu engegnaa, wuxuu kugu caasiyay marar badan, weliba isagoo ku dhiiran ku caasintaada, ilaaahayoow u naxariiso, ilaahayoow iska cafi, ilaahayoow adiga mooye cid kale malihi

      Xasan al basri ayaa aad ugu ta’athuray oo eegay haweeneyda wejigeeda wuxuuna arkay iyadoo ilmeyneesa oo aad u oyneesa.,

      Kadibna haweeneydii ayaa dhoola cadeysay oo ka soo laabatay

      Xasan ayaa aad ula yaabay,

      markaasu daba galay haweeneydii wuxuuna ku yiri: istaag islaanyehe istaag,

      Ilah baan kugu dhaariyee muxuu yahay iisheg arrinka janaazada

      Markaasay tiri: iga tag oo iga aamus kuguma dhicin wixii igu dhacaye

      Markaasu yiri waxaan ahay xasan al basri oo kamid ah culimada islaamka

      Markaasay tiri: wlh hadaadan kamid ahaan leheen culimada islaamka kuuma sheegeen xasanow

      Kani waa wiilkeygii caasiga ahaa ee qalbiga adkaa,

      kaaso dadka magaalada dhamaantood ay ku yaqaanaan in uusan ka tagin shey alle SW cara gelinaya illaa in uu sameeyo mooyee, Balse waxaysan ogeen in wiilkeyga usoo laabtay alle xagiisa SW oo uu towbad keenay

      Habeen barkii ayaan alle baryi jiray

      Waxaana dhihi jiray:

      يارب من لي سواك اللهم اهد هذا الشاب العاصي ذا القلب القاسي

      Ilaahayow cid aan adiga ahen malihi,

      ilaahayow wiilkeygaan caasiga noqday oo qalbigiisu adkaaday ilaahayow ii toosi oo ii hanuuni

      Waxay tiri awalkii hore waan habaari jiray, balse alle ayaan usoo laabtay waxaana alle ka baryay in uu ii hanuuniyo

      Balse Waxaa loo ajiibay habaarkeygii hore wuxuu alle ku imtixaamay xanuun aad u daran oo isaga dhanba sariirta ku so aruuriyay

      Markii uu waqtigiisa soo dhawaaday oo geeridiisana la gaaray ayyuu ii yeeray

      Wuxuuna igu yiri:

      ياأماه أستحلفك بالله اذا أنامت فضعي خدي علي التراب وضعي قدمك علي خدي الآخر

       قولي هذا جزاء من عصي الله وخالف أمر مولاه

      Taasoo uu ula jeedo hooyooy ilaahbaan kugu dhaariyee markaan dhimanayo

      Daankeyga dhulka ii dhig, cagahaagana korsaar daankeyga kale, waxaadna tiraahdaa: tani waa abaalka qofkii alle ku caasiya oo khilaafa amarka rabigiisa

      Haweeneydii waxay tiri waan sameeyay wuxuu iga codsaday anigoo ooynaya

      Daankiisa ayaa dhulka dhigay ka hor inta uusan dhiman, cagaheygana waan kor saaray kadib markii uu alle igu dhaariyay

      Wuxuuna igu yiri: cagahaaga kor saar daankayga kale oo dheh:

      هذا جزاء من عصي الله

      وخالف أمرمولاه

      Waxay tiri waan sameeyay,

      Kadibna wuu isoo eegay, eegis u eg sagootin

      Wuxuuna igu yiri: hooyooy ilaahbaan kugu dhaariyee ha u sheegin cid ahalkeyga kamid ah, maxaa yeelay hadey ogaadaan dhimashadayda iima naxariisan doonaan _

      maxaa yeelay weligood kheyr igumaysan arag

      Waxaad ii kireysaa afar nin oo I dhaqda oo I karfanta oo I duugta

      Hooyooy kadibna ilaahbaan kugu dhaariyee qabrigeyga agtiisa saacad igu sug oo ha iga tagin ilaa uu alle SW aayad iga kaa tuso

      Waxay tiri wlh xasanoow,

      Duugistiisa kadib qabriga korkiisa ayaan ku sugay anigoo ooynaya,

      Waxaana iri:

      ياااا ربي من لي سواك

      هذا هو ولدي العاصي ذوالقلب القاسي

      Markaasay tiri: ilaah baan ku dhaartee waxaan qabriga gudihiisa ka maqlay wiilkeyga codkiisa isagoo iigu naadinaya oo I dhahaya:

      يااا أماه اذهبي فقد وجدت ربي أكرم الأكرمين

      Hooyooy iska tag waan helay rabigey naxariistiisa allena waa akramal akramiin

      Waxay tiri wlh waxaan maqlay wiilkeyga oo qeylinaya oo aad moodo in uu ila joogo oo ila hadlaya oo I dhahaya,

      Hooyooy iska tag waxaan rabigeyga kala kulmay naxariis aad u fara badan

      Allahu akbar

      Alle SW ayyaa inooga naxariis badan, inta ay hooyadu u naxariisato ilmaheeda in ka badan

      من لي سواك يا أكرم الأكرمين

      هذا والله سبحانه وتعالي أعلي وأعلم

      وصل الله وسلم وبارك علي سيدنامحمد وعلي آله وصحبه أجمعين

      Allah hanaga dhigo kuwii ku waana qaata qisadaan cajiibka ah

Labels:

qissadii qaaruun ee layaabka badnayd

 


السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Yuu ahaa qaaruun?

qisadiisuna maxay ahayd?

xaguuse ku noolaa?

Daawadiyaasheena  sharafta leh waxaan maqaalkaan gudihiisa idinkugu soo gudbin doonaa

qissadii qaaruun oo ah mid kamid ah qisooyinka ugu layaabka badan ee uu alle SW qur’aankiisa inooga waramay.

Qaaruun waxaa lugu tiriyaa in uu yahay mid kamid ah maalqabeenadii ugu waaweynaa qoomkii nabi muuse CS, Wuxuuna ahaa nin haysta dhaqaale iyo xoolo aad u fara badan, Wuxuuna fircoon waziir uga ahaa arimaha cibraaniyyiinta. Wuxuuna qaaruun ku noolaan jiray masar

Waxaana magaciisa lagu sheegay meelo badan oo kamid ah qur’aanka kariimka ah,

Waxaana kamid ah suuratul cankabuut, iyo suuratul gaafir, iyo suuratul qasas

Allena SW wuxuu yiri:

 ۞ إِنَّ قَٰرُونَ كَانَ مِن قَوْمِ مُوسَىٰ فَبَغَىٰ عَلَيْهِمْ ۖ وَءَاتَيْنَٰهُ مِنَ ٱلْكُنُوزِ مَآ إِنَّ مَفَاتِحَهُۥ لَتَنُوٓأُ بِٱلْعُصْبَةِ أُوْلِى ٱلْقُوَّةِ إِذْ قَالَ لَهُۥ قَوْمُهُۥ لَا تَفْرَحْ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلْفَرِحِينَ

Hadaan u imaano Qaaruun nasabkiisa:

waxaa Saciid binu jubeyr laga wariyay in uu yiri: qaaruun wuxuu kamid ahaa qoomkii nabi muuse CS, wuxuuna ilma adeer la ahaa nabi muuse CS,

Waxaa kaloo sidaas yiri ibraahiim annakhciyi iyo sammaaka binul xarb, iyo c/laahi binul xaarith binu nawaffal iyo ibnu jureyj iyo Maalik ibnu diinaar

Ibnu jureyjina wuxuu ka yiri: wuxuu ahaa qaaruun binu yas,hir binu qaahith,

Nabi muusena wuxuu ahaa muusaa binu cumraan binu qaahith

Muxamad ibnu isxaaq binu yasaarna wuxuu yiri: qaaruun wuxuu adeer u ahaa nabi muuse CS

Ibnu jariir iyo in badan oo kamid ah ahlul cilmigana waxay sheegen in ay ahaayeen ilma adeero

Qataadata ibnu dacaama wuxuu adkeeyay isla qoolkaan Wuxuuna ku daray in uu ku caan ahaa magaca (al munawir)

Waxaana loogu bixiyay codkiisa oo aad ugu wanaagsanaa akhrinta towraadka awgii

Balse wuxuu noqday mid munaafaq ah sidii saamiriyi oo kale, taasoo sababtay in uu halaagsamo.,

Qur’aanka kariimka ah ayaa si faahfaahsan inooga waramay qaaruun qisadiisa, wuxuuna noo sheegay in uu kamid ahaa qowmkii nabi muuse CS

Iyo in qisadaan dhacday iyadoo nabi muuse CS iyo banuu israaiilba ay ku sugnaayeen masar ka hor inta aysan ka soo bixin

Wuxuuna qur’aanku sidoo kale nooga sheekeeyay keydadkii qaaruun iyo bangiyadiisa

Wuxuu alle SW kitaabkiisa inoogu sheegay in furayaasha qolalkiisii oo ay keedadku uga buuxeen oo keliya ay rag waaween oo xoog badan si dhib ah ku qaadi jireen,

Taasoo muujinaysa tira badnida keedadkii uu lahaa qaaruun

Kadib Markii uu alle SW qaaruun ka dhigay mid hodan ah oo hanti badan haysta ayuu ku kibray qoomkiisa, wuuna dulmin jiray, dhulkoodii iyo waxay haystaanba waa uu ka qaadan jiray.,

Waxay Cuqaashii qoomkiisa kula taliyeen in uu kibirka iska dhaafo oo uu hanuunka iyo waddadii toosnayd usoo laabto

Waxayna uga digeen farxad qofkii farxa dhibaato u geesata, oo halmaansiisa allihii ugu nimceeyay waxaaso barwaaqo ah _

Waxay sidoo kale ugu naseexeeyeen in uu aakhiradiisa u shaqeysto oo uu xoolihiisa wax ka sadaqaysto, oo uusan ku bixinin keliya shahawaadkiisa adduunyada, Iyo in xoolihiisa uusan ku bixinin mucaaradidda ama dhibaateynta diinta

Waxayna uga digeen dulminta dadka kale iyo fasahaadka

Waxayna kula taliyeen in uu maalka ixsaan ku sameeyo, iyo in uu fuqarada wax ka siiyo si uu alle SW ugu barakeeyo maalkiisa oo uu ugu ziyaadiyo.,

Dhammaan waanooyinkaas wuxuu qaaruun ugu jawaabay hadlkiisi ahaa:

قال إنماأوتيته علي علم عندي

Wuxuu yiri: xoolahaan waxaan ku helay aqoon aan leeyahay awgii

Jawaabtaana ayaa waxay muujinaysaa sida uu u kedsanaa oo uu U halmaansanaa allihii ugu nimceeyay xoolahaan keydadkaan faraha badan, Barwaaqada iyo nimcada uu ku jiro ayaa indhaha tirtay, waanadana iyo digniintana dheg jalaq uma siinin

Maalin maalmaha kamid ah qaaruun ayyaa qoomkiisa u soo baxay isagoo aad isku soo qurxiyay oo soo xertay dhar aad u qurux badam

Qaar kamid ah qoomka ayaa waxay tamaniyeen hadii ay lahaan lahaayeen wuxuu haysto qaaruun oo kale,

waxayna daremeen in uu haysto nicmo aad u ween

Balse waxaa kuwaas u jawaabay kuwii kale oo kamid ah mu’miniinta iyo culimada

Waxayna dheheen waad hoogteen kuwiinan kedsanow, ka taxadira fitnada, allena ka cabsada SW, ogaadana in waxa alle agtiisa ah ay ka kheyr badanyihiin quruxdaan

Waxa alle agtiisa ah ayyaana ka kheyr badan qaaruun iyo wuxuu haysto.,

Markaan ayyuu alle SW soo fara geliyay si loo xadido fitnadaan oo uu qaaruun u sabab ahaa in ay dhacdo, iyo si loo burburiyo kibirka iyo isla weeynida qaaruun,

Ciqaab adag ayaa u yimid ficilladiisa xunxun awgiisa

Wuxuu alle SW yiri:

فخسفنابه وبداره الأرض

Dhulka ayaan la jarnay isaga iyo guryihiisaba, Waxayna taasi ku dhacday ilbiriqsi gudaheeda, dhulkii ayaa liqay qaaruun iyo guryihiisii iyo dhamaan wuxuu haystay,

Dadkii ayaa aad ula fajacay waxii ka dhacay hortooda,

Waxayna bilaabeen in ay is fiirfiiriyaan iyagoo la yaaban meesha uu ku dambeeyay qaaruun

Kuwii tamaninaayay in ay lahaan lahaayeen xoolaha qaaruun oo kale iyo quruxdiisa _

Waxay dheheen: wuxuu alle SW arzaaqdiisa u balaariyaa cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah, markii uu doonana waa uu ka qaataa

Markaasay alle SW uga mahad celiyeen waxa ay ku suganyihiin, iyo in uu ka badbaadiyay halaagaas iyo cadaabkas adag.,

Xikmada laga leeyahay qisada qaaruun,. Waxaan ka baraneynaa in tani ay tahay meesha uu mudanyahay in uu ku dambeeyo qof walba oo alle SW iskala weyneesiiya ee kibra,_

Oo adduunyo ku kedsooma oo iska halmaama in alle SW uu yahay kan ugu nimceeyay nicmooyinkas, si uu adduunyo ugu raaxeysto oo uu wanaag ku sameeysto  oo uu fuqarada wax ka siiyo, si uu aakhirona ugu badbaado_

Oo uusan iskala weeynaan dadka kale oo aanan heysan xoolihiisa oo kale

Allihi siiyayna wuxuu awoodaa in uu ilbiriqsi uga qaato dhamaantooda.,

Waxaan filayaa in aad ka wad faaideysateen  qisadaan fadlan hadii aad ka faaideysatay ha iloobin in aad like saarto oo aad u sii sharegareyso asxaabtaada

Tan iyo qissadeena xiktana sidaas iyo nabad gelyo

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

 

Labels:

Saturday, September 3, 2022

qissadii xiisaha badneyd ee nabiyullaahi yuusuf CS

 


السلام عليكم ورحمة الله

Dhamaanteenu waan wada ognahay qisadii nabi yuusuf cs iyo zuleykha oo ahayd xaaskii caziizu masar., taaso jacayl xad dhaaf ah u qaaday

Balse waxay dad badani mooganyihiin meesha ay zuleykha ku danbeysay qisadaas kadib, iyo wixii ku dhacay geerida caziizka? Iyo kasoo bixidii nabi yuusuf kasoo baxay xabsiga kadib

Ma dhabbaa in uu guursaday nabi yuusuf CS?,

zuleykhana maxaa araga tiray?

Ka bogasho wacan

Kadib markii uu alle SW nabi yuusuf ka badbaadiyay xumaantii ay la doonayeen walaalihiisa, iyo dhagartii ay u dhigeen oo ay ku tuureen ceelka

Wuxuu alle SW qadaray in kolonyo safareey ah ay soo maraan ceelka agtiisa kadibna ay ceelka ku dhax arkaan N yusuf

Horay ayyeyna u sii qaateen iyagoo doonaya in ay iibsadaan

Wuxuuna alle SW qadaray in uu ka iibsado caziizkii masar ee xiligaas oo uu qasrigiisa ku korsado.,

Wuxuu N.yuusuf CS ku barbaaray qasriga caziizkii masar iyo xaaskiisa

Markii uu weynaaday nabi yuusuf CS oo dhalinyarnimadiisa iyo quruxdiisa ay u dhamaystirmeen

Waxaa aad uga heshay xaaskii caziizka, waxaana ka tambadiyay jacaylkii ay u qaaday.

Magaceedana waxaa la oran jiray raaciil ama zuleykhah,

Waxay ahayd haweeney mansab iyo sharaf iyo quruxba isku darsatay oo qasriga boqortooyadana aad looga jecelyahay

Waxayna ahayd mid dhamaan dumarka ku sugan qasriga boqortooyadu ay indhaha ku hayeen, oo ay ka maseeri jireen

Waxayna ka xasdi jireen wuxuu alle SW siiyay oo qurux iyo madaxtinimo ah.

Waxaa la yiri ninkeeda oo ah caziizka  kuma uusan dhawaan jirin dumarka,. 

Waxay isku deyday in ay yuusuf CS  ku rido zino iyo faaxisho, balse waa uu ka cararay cabsi uu ka cabsanayo ku caasinta alle SW awgeda

Alle SW ayaa ilaaliyay oo ka badbaadiyay dhacdadas layaabka leh

Dhacdadas oo faahfaahsana waxan ku sheegi doona muuqaaladeena soo socda haduu alle SW noo idmo,.

Diidista uu yuusuf CS diiday rabitaanka zuleykha awgeeda ayyey caziizka ku qasabtay in uu xabsiga dhigo

Wuxuuna xabsiga ku qaatay sanado badan

Ugu danbeentiina wuxuu alle SW qadaray in boqorkii uu ka saaro xabsiga oo uu soo dhaweysto, wuxuuna boqor uga dhigay masar wuxuuna u dhiibay xilkii caziizkii zulekha ninkeeda ahaa,.

guurkiisa zuleykhana wuxuu kusoo arooray riwaayado badan

Markii uu yuusuf CS waziir ka noqday masar zuleykha waxaa ku ziyaaday jacaylkii ay u qabtay

Maalmo dhan ayeyna iska ooyn jirtay iyado aad ugu hilowday

Waxayna dhaqaalaheeda dhan ku bixin jirtay in ay siiso qofkii warkiisa u keena

Mudo kabacdina oohinti badnayd iyo murugta awgii waa ay indha beeshay, wayna gabowday oo tabar beeshay

Waxayna dhamaan xoolaheedii iyo quruxdeedii ku baaba’een raadinta yuusuf CS

Sidoo kale zuleykha waxay ahayd mid rumeysay alle SW

Waxayna ahayd mid barida rabigeeda oo u kaalmeysata kalgacaylka ay u qaaday yuusuf cs

waxayna sidaas ku sugnayd sanado badan, illaa uu alle SW nabi yuusuf u waxyooday in uu guursado zuleykha,

Markaasuu soo waday wuxuuna geeyay qasrigiisa,

Markaasu qalbiga u dejiyay,

iyaduna waxay la oyday farxad ay ku faraxday la kulankiisa awgii, waxayna tamaniday in uu alle SW usoo celin lahaa arageeda si ay u aragto jacaylkeeda yuusuf

Arrinta kaloo mucjisada ahayd ayyaa ah in uu alle SW nabigiisa yuusuf ducadiisa u ajiibay oo uu zuleykha u soo celiyay arageeda iyo dhalinyarnimadeeda

Waxay noqotay haweenay dhalinyaro ah oo aad u qurux badan sidey awalba ahaan irtay

Wuxuna alle SW u qoray cimri labaad iyadoo xaas u ah yuusuf CS

Riwaayad kalena waxay leedahay, markii uu yuusuf boqorka ku yiri:

اجعلني علي خزائن الأرض إني حفيظ عليم

Wuxuu boqorku ku yiri: waan kaa dhigay, wuxuuna ku wareejiyay shaqadii caziizka,

caziizna waa uu ka cazilay xilkiisa, waxaana la yiri isla habeenkas ayuu caziizku dhintay markaasu boqorku yuusuf u guuriyay xaaskii caziizka

Markay usoo gashayna wuxuu ku yiri: sidaan soo kama kheyr badna wixii aad dooneysay

Markaasay tiri: saaxiibkeygiyow ha ila yaabin sidad arkeysidba waxan ahay gabadhaan aad u qurux badan oo isaga nimceesaneyse boqortooyo iyo adduunyo, saaxiibkeygana wuxu ahaa midan u tagin dumarka

Adigana wuxuu alle SW kaa dhigay mid aad u qurux badan oo aad u wanaagsan, nafteyda ayyaa iga tambadisay quruxdaada awgii

Waxay kaloo sheegeen in markii uu guursaday uu arkay in ay bikro tahay,

Uur ayeena u qaaday waxayna dhashay laba wiil,.

Ugu danbeentii waxaa muhiim ah ama lagama maarmaan ah in aad ku baraarugtaan in qur’aanka kariimka ah iyo sunadaba aysan ku sugneen wax caddeynaya ama diiday in yuusuf CS uu guursaday xaaskii caziizka

Balse sheekooyinka laga soo guuriyay riwaayadaha ayyaa tusinaya oo ka sheekeynaya guurkooda

Riwaayadahaana waxaa laga soo qaatay israaiiliyaadka, inaguna ma rumeysaneeno mana beenineeno

Inagoo raaceena hadalkii nabiga SW oo ahaa

لاتصدقو أهل الكتاب ولاتكذبوهم وقولوءامنابالله وماأنزل الينا

Ha rumeysanina ahlul kitaabka hana beeninina waxaadna tiraahdaan alle ayaan rumeynay iyo wixii nalagu soo dejiyay

Qisooyinka israaiiliyaadkuna waxay noqon karaan kuwo been abuur ah

Waxayna noqon karaan kuwo sax ah

Labels:

Monday, August 15, 2022

qisadii xiisaha badneyd ee saaxibul jannateyn ee lugu sheegay qur'aanka dhexdiisa

      السلام عليكم ورحمة الله وبركاته



      Waxaa la yiri sababta loosoo dejiyay qisadaan saaxibul janatayn waxay ahayd, in quresh la tuso cawaaqib xumada ay leedahay gaalnimada iyo isla weynidu

      Waxaa jiri jiray laba nin, wuxuu alle SW labadoodaba siiyay xoolo aad u farabadan iyo beero iyo dhul aad u balaaran

      Riwaayadaha qaar waxay sheegaa in labadaan nin  ay ahaayeen laba nin oo walaalo ah

      Waxayna xoolo farabadan ka dhaxleen aabahooda

      Riwaayado kalena waxay sheegaan in ay ahaayeen deris ama saaxiibo

      Siday ahaataba Midi wuxu ahaa nin isla ween oo kibir badan oo xoolo caabud ah

      Midka kalena wuxuu ahaa nin wanaagsan oo aad u degan oo dadkana jecel oo masaakiintana caawiya

      Midkii wanaagsanaa wuxuu xoolihisa intooda badan ku bixin jiray u adeegidda iyo taakuleynta masaakiinta iyo danyerta, ilaa uu xoolihiisa intooda badan ku dhameeyay, Mar walba oo uu soo maro qof baahan wuxuu wax ka siin jiray xoolihiisa

      Balse saxiibkiisa xoolo badan ayuu aruursan jiray wuuna kaydin jiray, markaasu gatay laba beerood oo waaween wuxuuna ku beeray geedo qurqurux badan, beertuna waxay u noqotay beer aad u qurux badan

      Waxaa ka soo baxay miro iyo geedo iyo khudaar aad u fara badan

      Webi ayuuna alle SW agtooda u mariyay kaaso beertii u siyaadiyay doog iyo qurux

      Allena SW wuxuu yiri:

      واضرب لهم مثلا رجلين جعلنا لأحدهماجنتين من أعناب وحففناهما بنخل وجعلنا بينهما زرعا

      Balse nasiib daradiisa iyo isla weynidiisa iyo caqli xumadiisa awgii waa uu ku kedsoomay beerahaan,

      wuxuuna mooday in uu ku helay tacabkiisa iyo caqligiisa oo keliya

      Wuxuuna inkiray fadliga uu alle SW siiyay

      Balse alle SW waa uu u sugaa adoonkiisa balse ma halmaamo,
Ninkii wanaagsanaana waxaa u ziyaaday  iimaan iyo jacaylka alle SW iyo yaqiintiisa

      Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa sheekestay labadaan nin

      Ninkii xumaa ayaa saaxiibkiisa mu’minka ahaa geeyay beertiisa si uu u soo tuso quruxdeeda kadibna ugu faano xoolihiisa sidii caadada u aheedba

      وكان له ثمرفقال لصاحبه وهويحاوره اناأكثرمنك مالاواعزنفرا

      Markaasay beertii dhax galeen

      Kii beerta lahaa waxaa qaaday kibir iyo islawayni markaasu yiri isago qoslaya: Uma maleynaayi in beerteydaan weligeed baabi’I doonto

      Mana rumeysani qiyaamo iyo jano iyo naar midna_

      Hadayba jano jirtana waxaan hubaa in rabigee I gelin doono janada oo uu issiin doono beero iyo miro intaan ka sii badan

      ودخل جنته وهوظالم لنفسه قال ما أظن أن تبيد هذه أبدا

      Tani waa dhaqan ay ku dhaqmaan  in badan oo kamid ah dadka maanta jooga, Waxay moodaan hadii uu alle SW xoolo siiyo in uu jecelyahay oo ay agtiisana boos ween ku leeyihiin

      Iyagon salaadna tukan si dhab ahna alle u rumaynin SW

      Ninkii wanagsanaa markii uu maqlay hadalka saxibkisa waa uu ka carooday wuxuuna ku yiri:

      أكفرت باللذي خلقك من تراب ثم من نطفة ثم سواك رجلا

      Sidee ugu gaaloobeysaa allihii ku abuuray oo ku arzaaqay oo xoolo iyo awlaadna ku siiyay

      Ma waxaad moodaa in aad alle ka maaranto

      Hadalkana wuxu ugu soo gabagabeeyay

      ولولا اذ دخلت جنتك قلت ماشاءالله لا قوة الا بالله

      ان ترن أن أقل منك مالا وولدا

      Saxibkeygiyow alle uga mahad celi nimcadaan uu ku siiyay

      Hadad igu faanayso wuxuu alle SW ku siiyay, alle wuxuu awoodaa in uu I arzaaqo oo uu wuxuu ku siiyay oo xoolo iyo beero ah ka badan i siiyo_

      Waxaana laga yaabaa in uu alle SW dhulkaaga usoo diro duufaan iyo musiibo kana dhigo dhul engegan, gaalnimadaada awgii

      Maalinkaas galabkiisa waxaa dhacay wax aanan la filanayn

      Wuxuu alle SW gaalkan usoo diray ciqaabtiisa iyo cadaabkiisa. Kadibmarkii uu dhamaan nimcooyinkii uu alle SW siiyay ku abaal guday gaalnimo iyo kufri

      Wuxuu alle SW beertiisa u soo diray dabayl musiibo ah

      Taasoo baabi’isay dhamaan bertiisa. oo geedihiisiina sisiibtay

      Biyihiina waa ay ka engegeen. Waxayna isku bedeshay dhul engegan oo abaar ah.,

      Ninkii ayaa yimid isagoo socda si uu usoo eego wixii ku dhacay bertiisa

      Markii uu arkayna murugo iyo oohin darteed ilin ayaa ka soo qubatay, dhulka ayuuna isku garaacay wejigiisa ayuuna dharbaaxay shallay uu ka shalaynayo gaalnimadiisa

      Allena SW isagoo nooga waramaya wuxuu yiri

      وأحيط بثمره فأصبح يقلب كفيه علي ما أنفق فيها وهي خاوية علي عروشها ويقول ياليتني لم أشرك بربي أحدي

      Balse qadarta alle waa ay dhacday kaafirkaana wuxuu helay wuxuu mutestay.,,,

      Ninkii mu’minka ahaana alle SW wuxuu ku badbaadiyay iimaankiisii iyo camalkiisii wanaagsanaa

      Ninki xumaana wuxuu u waalanayay mar uun in ay usoo laabtaan xoolihiisa iyo beerihiisa iyo noloshii barwaaqada ahayd

      Balse wuxuu alle SW ku ciqaabay dullinimo iyo faqri

      Wuxuu noolaa isagoo faqiir ah oo jirran oo dulli ah ilaa uu ka geeriyooday

      Qissadaan waxaan ka qaadan karnaa daciiftinimada iyo tabar darrida banii aadamka, Iyo in uu alle SW raaziq yahay oo uu wax walbo awoodo. Iinsaanka iyo wuxuu haystoba ilbiriqsi gudaheed ayuu alle SW ku baabi’iyaa haddii uu doono

      Caaqilkuna waa qofka alle SW uga mahad celiya nicmooyinkiisa, acmaashiisa iyo afcaashiisana waafajiya amarka alle SW.,

      هذا والله سبحانه وتعالي أعلي وأعلم

      وصل الله وسلم وبارك علي سيدنا محمد وعلي آله وصحبه أجمعين

      والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

      Fadlan ha illoobin in aad la sii wadaagto asxaabtaada mahadsanid

Labels: