waxey aaday qabriga wiilkeeda si ay ugu duceyso markaasbay maqashay codkiisa
•
السلام عليكم ورحمة
الله وبركاته
•
Xasan al basri allah haka raali noqdee ayaa wuxuu
yiri: aniga oo dhax taagan wado kamid ah wadooyinka madiina xilli qoraxduna ay aad u kululeyd, markaasbaan
arkay janaazo ay wadaan 4nin oo keliya, waxaan is iri waa janaazo afar qof
keliya ay wado wlh aniga ayaa 5 ku noqonaya oo raacaya
•
Xasan al basri ayaa daba kacay jinaazadii, wuxuuna
sugay ilaa laga aasay oo afartii nin ay ka dhameeyeen aaska
•
Markaasuu ku yiri maxaad u tihiin afar qof oo keliya?
•
Markaasay dheheen: wlh inaguba ma ogin sababta aan
affar keliya u nahay
•
Duqdaan ayaa na shaqaaleesiisay oo lacag nagu siisay
in aan dhaqno oo aan karfano oo aan qaadno oo aan soo duugno.
•
Markaasuu yiri: subxaanallah xita afarta qof waa kuwo
la soo kireeyey
•
Xasan al basri ayaa istaagay oo sugay haweeneydii
duqda ahayd duugta kadib
•
Markaasuu arkay duqdii oo jilba jabsatay oo
gacmaheedana samada ku taagtay oo dhahaysa:
•
يا رب من لي سواك هذا هوولدي العاصي ذوالقلب
القاسي عصاك مرارا وتكرارا وتجرأ علي معصيتك اللهم فارحمه اللهم فتجاوز عنه ياااا
ربي من لي سواك
•
Taasoo micnahuudu tahay:
•
Yaa rabi yaa allah, ilaahayow cid aan adiga aheen
malihi, kani waa wiilkeygii caasiga ahaa ee qalbigiisu engegnaa, wuxuu kugu
caasiyay marar badan, weliba isagoo ku dhiiran ku caasintaada, ilaaahayoow u
naxariiso, ilaahayoow iska cafi, ilaahayoow adiga mooye cid kale malihi
•
Xasan al basri ayaa aad ugu ta’athuray oo eegay
haweeneyda wejigeeda wuxuuna arkay iyadoo ilmeyneesa oo aad u oyneesa.,
•
Kadibna haweeneydii ayaa dhoola cadeysay oo ka soo
laabatay
•
Xasan ayaa aad ula yaabay,
•
markaasu daba galay haweeneydii wuxuuna ku yiri:
istaag islaanyehe istaag,
•
Ilah baan kugu dhaariyee muxuu yahay iisheg arrinka
janaazada
•
Markaasay tiri: iga tag oo iga aamus kuguma dhicin
wixii igu dhacaye
•
Markaasu yiri waxaan ahay xasan al basri oo kamid ah
culimada islaamka
•
Markaasay tiri: wlh hadaadan kamid ahaan leheen
culimada islaamka kuuma sheegeen xasanow
•
Kani waa wiilkeygii caasiga ahaa ee qalbiga adkaa,
•
kaaso dadka magaalada dhamaantood ay ku yaqaanaan in
uusan ka tagin shey alle SW cara gelinaya illaa in uu sameeyo mooyee, Balse
waxaysan ogeen in wiilkeyga usoo laabtay alle xagiisa SW oo uu towbad keenay
•
Habeen barkii ayaan alle baryi jiray
•
Waxaana dhihi jiray:
•
يارب من لي سواك اللهم اهد هذا الشاب العاصي
ذا القلب القاسي
•
Ilaahayow cid aan adiga ahen malihi,
•
ilaahayow wiilkeygaan caasiga noqday oo qalbigiisu
adkaaday ilaahayow ii toosi oo ii hanuuni
•
Waxay tiri awalkii hore waan habaari jiray, balse alle
ayaan usoo laabtay waxaana alle ka baryay in uu ii hanuuniyo
•
Balse Waxaa loo ajiibay habaarkeygii hore wuxuu alle
ku imtixaamay xanuun aad u daran oo isaga dhanba sariirta ku so aruuriyay
•
Markii uu waqtigiisa soo dhawaaday oo geeridiisana la
gaaray ayyuu ii yeeray
•
Wuxuuna igu yiri:
•
ياأماه أستحلفك بالله اذا أنامت فضعي خدي علي
التراب وضعي قدمك علي خدي الآخر
•
قولي هذا جزاء من عصي الله وخالف أمر مولاه
•
Taasoo uu ula jeedo hooyooy ilaahbaan kugu dhaariyee
markaan dhimanayo
•
Daankeyga dhulka ii dhig, cagahaagana korsaar
daankeyga kale, waxaadna tiraahdaa: tani waa abaalka qofkii alle ku caasiya oo
khilaafa amarka rabigiisa
•
Haweeneydii waxay tiri waan sameeyay wuxuu iga
codsaday anigoo ooynaya
•
Daankiisa ayaa dhulka dhigay ka hor inta uusan dhiman,
cagaheygana waan kor saaray kadib markii uu alle igu dhaariyay
•
Wuxuuna igu yiri: cagahaaga kor saar daankayga kale oo
dheh:
•
هذا جزاء من عصي الله
•
وخالف أمرمولاه
•
Waxay tiri waan sameeyay,
•
Kadibna wuu isoo eegay, eegis u eg sagootin
•
Wuxuuna igu yiri: hooyooy ilaahbaan kugu dhaariyee ha
u sheegin cid ahalkeyga kamid ah, maxaa yeelay hadey ogaadaan dhimashadayda
iima naxariisan doonaan _
•
maxaa yeelay weligood kheyr igumaysan arag
•
Waxaad ii kireysaa afar nin oo I dhaqda oo I karfanta
oo I duugta
•
Hooyooy kadibna ilaahbaan kugu dhaariyee qabrigeyga
agtiisa saacad igu sug oo ha iga tagin ilaa uu alle SW aayad iga kaa tuso
•
Waxay tiri wlh xasanoow,
•
Duugistiisa kadib qabriga korkiisa ayaan ku sugay
anigoo ooynaya,
•
Waxaana iri:
•
ياااا ربي من لي سواك
•
هذا هو ولدي العاصي ذوالقلب القاسي
•
Markaasay tiri: ilaah baan ku dhaartee waxaan qabriga
gudihiisa ka maqlay wiilkeyga codkiisa isagoo iigu naadinaya oo I dhahaya:
•
يااا أماه اذهبي فقد وجدت ربي أكرم الأكرمين
•
Hooyooy iska tag waan helay rabigey naxariistiisa
allena waa akramal akramiin
•
Waxay tiri wlh waxaan maqlay wiilkeyga oo qeylinaya oo
aad moodo in uu ila joogo oo ila hadlaya oo I dhahaya,
•
Hooyooy iska tag waxaan rabigeyga kala kulmay naxariis
aad u fara badan
•
Allahu akbar
•
Alle SW ayyaa inooga naxariis badan, inta ay hooyadu u
naxariisato ilmaheeda in ka badan
•
من لي سواك يا أكرم الأكرمين
•
هذا والله سبحانه وتعالي أعلي وأعلم
•
وصل الله وسلم وبارك علي سيدنامحمد وعلي آله
وصحبه أجمعين
• Allah hanaga dhigo kuwii ku waana qaata qisadaan cajiibka ah
Labels: Qisooyin
0 Comments:
Post a Comment
Subscribe to Post Comments [Atom]
<< Home