Monday, August 15, 2022

qisadii xiisaha badneyd ee saaxibul jannateyn ee lugu sheegay qur'aanka dhexdiisa

      السلام عليكم ورحمة الله وبركاته



      Waxaa la yiri sababta loosoo dejiyay qisadaan saaxibul janatayn waxay ahayd, in quresh la tuso cawaaqib xumada ay leedahay gaalnimada iyo isla weynidu

      Waxaa jiri jiray laba nin, wuxuu alle SW labadoodaba siiyay xoolo aad u farabadan iyo beero iyo dhul aad u balaaran

      Riwaayadaha qaar waxay sheegaa in labadaan nin  ay ahaayeen laba nin oo walaalo ah

      Waxayna xoolo farabadan ka dhaxleen aabahooda

      Riwaayado kalena waxay sheegaan in ay ahaayeen deris ama saaxiibo

      Siday ahaataba Midi wuxu ahaa nin isla ween oo kibir badan oo xoolo caabud ah

      Midka kalena wuxuu ahaa nin wanaagsan oo aad u degan oo dadkana jecel oo masaakiintana caawiya

      Midkii wanaagsanaa wuxuu xoolihisa intooda badan ku bixin jiray u adeegidda iyo taakuleynta masaakiinta iyo danyerta, ilaa uu xoolihiisa intooda badan ku dhameeyay, Mar walba oo uu soo maro qof baahan wuxuu wax ka siin jiray xoolihiisa

      Balse saxiibkiisa xoolo badan ayuu aruursan jiray wuuna kaydin jiray, markaasu gatay laba beerood oo waaween wuxuuna ku beeray geedo qurqurux badan, beertuna waxay u noqotay beer aad u qurux badan

      Waxaa ka soo baxay miro iyo geedo iyo khudaar aad u fara badan

      Webi ayuuna alle SW agtooda u mariyay kaaso beertii u siyaadiyay doog iyo qurux

      Allena SW wuxuu yiri:

      واضرب لهم مثلا رجلين جعلنا لأحدهماجنتين من أعناب وحففناهما بنخل وجعلنا بينهما زرعا

      Balse nasiib daradiisa iyo isla weynidiisa iyo caqli xumadiisa awgii waa uu ku kedsoomay beerahaan,

      wuxuuna mooday in uu ku helay tacabkiisa iyo caqligiisa oo keliya

      Wuxuuna inkiray fadliga uu alle SW siiyay

      Balse alle SW waa uu u sugaa adoonkiisa balse ma halmaamo,
Ninkii wanaagsanaana waxaa u ziyaaday  iimaan iyo jacaylka alle SW iyo yaqiintiisa

      Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa sheekestay labadaan nin

      Ninkii xumaa ayaa saaxiibkiisa mu’minka ahaa geeyay beertiisa si uu u soo tuso quruxdeeda kadibna ugu faano xoolihiisa sidii caadada u aheedba

      وكان له ثمرفقال لصاحبه وهويحاوره اناأكثرمنك مالاواعزنفرا

      Markaasay beertii dhax galeen

      Kii beerta lahaa waxaa qaaday kibir iyo islawayni markaasu yiri isago qoslaya: Uma maleynaayi in beerteydaan weligeed baabi’I doonto

      Mana rumeysani qiyaamo iyo jano iyo naar midna_

      Hadayba jano jirtana waxaan hubaa in rabigee I gelin doono janada oo uu issiin doono beero iyo miro intaan ka sii badan

      ودخل جنته وهوظالم لنفسه قال ما أظن أن تبيد هذه أبدا

      Tani waa dhaqan ay ku dhaqmaan  in badan oo kamid ah dadka maanta jooga, Waxay moodaan hadii uu alle SW xoolo siiyo in uu jecelyahay oo ay agtiisana boos ween ku leeyihiin

      Iyagon salaadna tukan si dhab ahna alle u rumaynin SW

      Ninkii wanagsanaa markii uu maqlay hadalka saxibkisa waa uu ka carooday wuxuuna ku yiri:

      أكفرت باللذي خلقك من تراب ثم من نطفة ثم سواك رجلا

      Sidee ugu gaaloobeysaa allihii ku abuuray oo ku arzaaqay oo xoolo iyo awlaadna ku siiyay

      Ma waxaad moodaa in aad alle ka maaranto

      Hadalkana wuxu ugu soo gabagabeeyay

      ولولا اذ دخلت جنتك قلت ماشاءالله لا قوة الا بالله

      ان ترن أن أقل منك مالا وولدا

      Saxibkeygiyow alle uga mahad celi nimcadaan uu ku siiyay

      Hadad igu faanayso wuxuu alle SW ku siiyay, alle wuxuu awoodaa in uu I arzaaqo oo uu wuxuu ku siiyay oo xoolo iyo beero ah ka badan i siiyo_

      Waxaana laga yaabaa in uu alle SW dhulkaaga usoo diro duufaan iyo musiibo kana dhigo dhul engegan, gaalnimadaada awgii

      Maalinkaas galabkiisa waxaa dhacay wax aanan la filanayn

      Wuxuu alle SW gaalkan usoo diray ciqaabtiisa iyo cadaabkiisa. Kadibmarkii uu dhamaan nimcooyinkii uu alle SW siiyay ku abaal guday gaalnimo iyo kufri

      Wuxuu alle SW beertiisa u soo diray dabayl musiibo ah

      Taasoo baabi’isay dhamaan bertiisa. oo geedihiisiina sisiibtay

      Biyihiina waa ay ka engegeen. Waxayna isku bedeshay dhul engegan oo abaar ah.,

      Ninkii ayaa yimid isagoo socda si uu usoo eego wixii ku dhacay bertiisa

      Markii uu arkayna murugo iyo oohin darteed ilin ayaa ka soo qubatay, dhulka ayuuna isku garaacay wejigiisa ayuuna dharbaaxay shallay uu ka shalaynayo gaalnimadiisa

      Allena SW isagoo nooga waramaya wuxuu yiri

      وأحيط بثمره فأصبح يقلب كفيه علي ما أنفق فيها وهي خاوية علي عروشها ويقول ياليتني لم أشرك بربي أحدي

      Balse qadarta alle waa ay dhacday kaafirkaana wuxuu helay wuxuu mutestay.,,,

      Ninkii mu’minka ahaana alle SW wuxuu ku badbaadiyay iimaankiisii iyo camalkiisii wanaagsanaa

      Ninki xumaana wuxuu u waalanayay mar uun in ay usoo laabtaan xoolihiisa iyo beerihiisa iyo noloshii barwaaqada ahayd

      Balse wuxuu alle SW ku ciqaabay dullinimo iyo faqri

      Wuxuu noolaa isagoo faqiir ah oo jirran oo dulli ah ilaa uu ka geeriyooday

      Qissadaan waxaan ka qaadan karnaa daciiftinimada iyo tabar darrida banii aadamka, Iyo in uu alle SW raaziq yahay oo uu wax walbo awoodo. Iinsaanka iyo wuxuu haystoba ilbiriqsi gudaheed ayuu alle SW ku baabi’iyaa haddii uu doono

      Caaqilkuna waa qofka alle SW uga mahad celiya nicmooyinkiisa, acmaashiisa iyo afcaashiisana waafajiya amarka alle SW.,

      هذا والله سبحانه وتعالي أعلي وأعلم

      وصل الله وسلم وبارك علي سيدنا محمد وعلي آله وصحبه أجمعين

      والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

      Fadlan ha illoobin in aad la sii wadaagto asxaabtaada mahadsanid

Labels:

0 Comments:

Post a Comment

Subscribe to Post Comments [Atom]

<< Home