Qisadii layaabka badneyd ee saxaabigii la oran jiray suheyb al ruumiyi RC
Assalaamu calaykum dadka waxaa ugu geesisan uguna sharaf badan asxaabtii rumeysay rasuulka SCW bilowgii islaamka
Waxee u bareereen kufaaru qureesh waxeena halis geliyeen naftooda iyo maalkooda iyo weliba ahalkooda iyagoo rumeeyay alle iyo rasuulkii
Asxaabadaas kuwa ugu caansan waxaa kamid ah: suheyb al ruumiyi kaasoo qiso cajiib ah dhax martay asaga iyo kufaaru qureesh kadib markii ay isku dayeen inee dilaan si ay uga reebaan islaamka
Wuxuu sameeyay arin uusan qofna hore u sameen si uu uga badbaado
Suheyb aabihii wuxuu ahaa amiir taabacsan boqor kisraa wuxuuna amiir ka ahaa muusil, asalkiisana wuxuu kasoo jeeday yaman
Suheeb wuxuu ku noolaa cizi iyo barwaaqo joogto ah ilaa iyo yaraantiisa
Maalin maalmaha kamid ah ruum ayaa soo weeraray magaaladooda caruurtii iyo haweenkii wee qafaasheen magaaladiina wee burburiyeen suheeb wuxuu kamid ahaa dadka la qafaashay
Wuxuu mudo la noolaa ruum waxaa hesteen ganacsato ka ganacsata addoomada iyo shaqaalaha,
Maalin maalmaha kamid ah waxa yimid wafdi ka socda banii kalab waxeena u qaateen magaalada makko waxaana ka iibsaday c/lahi binu judcaan oo ahaa ganacsade ween
Maalmo ka bacdi wuxuu c/lahi la yaabay caqliga iyo xikmada suheyb wuxuuna ka xurreeyay adoonimadii
Suheyb wuxuu bilaabay ganacsi ilaa uu ka yeeshay xoolo farabadan iyo sharaf quresh dhaxdeeda
Markii lasoo diray rasuulka SCW wuxuu kamid ahaa dadka ugu horreeyay ee rumeeya rasuulka asaga iyo cammaar binu yaasir
Cammaar binu yaasir waxaa laga wariyay inu yiri “waxaan suheeb binu sinan kula kulmay albaabka daarul arqam oo uu rasuulka ku jiray, waxaan ku iri maxaad doonaysaa? Wuxuu igu yiri adiguna maxaad doonaysaa? Waxaan ku iri waxaan doonayaa inan u galo muxamad oo aan hadalkiisa dhageesto, wuxuu yiri aniguba sidas ayaan doonayay, waxaan u galnay rasuulka SCW wuxuu noo bandhigay islaamka waana rumaynay maalinkii oo dhana meeshaas ayan ku jirnay ilaa aan ka galabeesanay kadibna waa aan soo baxnay anago is qarinayna”
Suheb wuxuu kamid aha 7da qof ee ugu hor caddesatay iimaankooda lana bambaxday
Sidas darted ayu ula kulmay ciqaab iyo cadaab aad u farabadan, qoraxda ayaa lagu xeri jiray waxaana lala ciqaabi jiray cammaar binu yaasir iyo ahalkiisa
Maalmo kadib markuu nabiga SCW madiina u hijrooday suheb wuxuu go’aansaday inuu qaato wuxuu lahaa oo maal ahaa rasuulkana ka daba tago
Wuxuu ku dhaqaaqay xilli habeen bar ah oo kufaru quresh wada hurdaan
Maalkiisii ayuu qaatay daabadiisii ayuuna koray wuuna dhaqaaqay asoo quresh ka cararaya
Waxaa dareemay mid kamida kufaru quresh wuxuuna u sheegay qomkiisa wuuna kiciyay. Waxaa dabagashay koox kamida kufaru quresh si ay usoo celiyaan weena ka dabatageen
Wuu istaagay wuxuuna soo baxsaday warmihiisa iyo gamuunkiisa wuxuuna ku yiri “qureshey waad ogtihiin inan ahay kan idinku liish badan wallaahi imasoo gaareesiin ilaa aan idinku soo rido dhamaan warmahayga wixii idinka soo harana waxaan ku garaaci doonaa seefteyda
Waxe ku dheheen: adigoon waxba heesan ayaad inoo timid agteena ayuu maalkaagu ku batay markaasad doonaysaa inad naftaada iyo maalkaagaba la baxdo wallahi taas ma dhaceso.
Wuxuu ku yiri ka warama hadaan maalkeyga idiin dhaafo maisii deynesaan? Waxe dheheen haa.
Wuxuu tusiyay meesha uu maalkiisa ku qarsaday wixii maal uu lahaana wuu oga tagay. Waxeena u ogolaadeen inuu hijradiisa sii wato ilaa uu madiino ka gaaro. Kadib marku dhamaan wuxuu hestay uga tagay diintiisa awgii
Suheb wuxu baxay asagoo ku faraxsan inuu ka badbaaday kufaaru quraysh si uu ula kulmo rasuulka SCW uguna bishaareeyo imaanshihiisa
Markuu madiina soo gaaray wuxuu u jihestay rasuulka SCW dhankiisa. Rasuulka ayaa ku qaabilay dhoola caddeen farxadeed wuxuuna ku yiri:”rabixal baycu abaa yaxyaa, rabixal bayc rabixal bayc” sadex jeer
Wuxuu yiri rasuul allow qofna igama kaa hormarin qofaan jibriil aheena kuuma sheegin.
Taasna waxee kamid aheed karaamooyinka nabiga SCW, wuxuu ogaaday wixii dhacay iyadoon qofna u sheegin wuxuuna alle soo dejiyay aayadan :(ومن الناس من يشري نفسه ابتغاء مرضاة الله والله رؤوف بالعباد)
Suheeb wuxuu noloshiisa ku dhameste asago deris la ah rasuulka SCW, mana uusan ka dib dhicin dhammaan gazawaadkii uu rasuulka hogaaminayay SCW, ilaa uu ka geeriyooday sanadkii 38aad ee hijriga RC
Waad ku mahadsantahy sidad degan ee aad ku aqrisatay fadlan commentiga noogu reeb wixii talo ah iyo ra’yi intaba mahadsanid
Labels: Qisooyin
0 Comments:
Post a Comment
Subscribe to Post Comments [Atom]
<< Home