qisada haweeney ka ilmeysiisey malakul mowdka
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Dhammaan Daawadiyaasheena sharafta leh Ee ku
xeran websitekeena.
Waxaan
halkaan Idinkugu soo Gudbin doonaa: Qiso la yaab leh Oo ka oohisey malakul
mowdka, taasoo sidoo kale Marna ka qoslisey, Marna Cabsi gelisey.
Haddaba dhammeyso maqaalkaan Si aad u ogaato Waxa ay aheyd Qissadaasi.
Wuxuu Alle
SW Malakul mowdka U soo direy: Si uu nafta Uga qaado Haweeney kamid aheyd
dadka,
Markii uu malakul
mowdku U yimid Si uu nafta Uga qaado Ayyuu Wuxuu arkey:
In ay keligeeda
tahay Oo uusan Qofna ka ag Dhaween Markii laga reebo Canugeeda yer oo ay naaska
nuujineysey,
Waxeyna ku
sugnaayeen Dhul saxaaro ah Oo cidlo ah Oo aysan Dadba Ka dhaween,
Markii uu
malakul mowdku Arkey xaalkeeda Iyo canugaan yar Oo mujuqa ah oo ay wadatey, Iyo
isagoo u yimid Si uu nafteeda uga qaado,
Ayyuu is
heyn kari waayey Oo la ilmeeyey Xaalkooda, Isagoo u Calool xumaanayey Canugaan
yar oo sabiga ah,
Oo aanan
hadli Karin, Oo aanan socodna Meel ku gaari Karin, Oo cidna uusan U qeyla dhaansan
Karin,
Oo cid ka
dhow oo biyo xittaa dhuunta Ugu
qoysa aysan jirin, Oo hooyadiisana nafta laga qaadayo, Iyo isagoo ku
qasban In uu fuliyo Wixii loo Soo direy.
Markaasbuu hooyadiisa
Nafta ka qaadey Oo isaga tagey, Sida uu Alle Ku amrey SW.
Wuxuu Alle
SW Qur’aankiisa Kariimka ah Dhexdiisa Ku yiri:
:لَّا يَعْصُونَ ٱللَّهَ مَآ أَمَرَهُمْ
وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ
Malaaiktu
waa kuwo Aanan ku Caasinin Wuxuu Alle Ku amro SW Waxeyna mar walba u taaganyihiin
fulinta amarka rabbigooda SW.
Markii ay
dhacdadaas Ka soo wareegatey Sanado fara badan Ayyuu wuxuu Alle SW Malakul
mowdka U soo direy, Si uu nafta uga soo qaado Nin kamid ahaa Dadka.
Markii uu
malakul mowdu U yimid ninkii Lugu amrey in uu nafta ka soo qaado, Ayyuu wuxuu
arkey In uu yahay: Nin odey ah Oo waayeel ah.
Wuxuuna u
yimid Isaga oo ushiisa ku taagsan Oo ag taagan nin tumaal ah,
Wuxuuna
ninkii tumaalka ahaa Ka dalbanayey In uu u sameeyo Fadhi ama taako Bir ah oo uu
gashto Usha salkeeda, si aysan bacaadka uga dhax gelin,
Wuxuuna
tumaalka Kula dardaarmayey In uu uga dhigo Taakko adag Si ay ushiisa u sii
jirto Sanado fara badan.
Markaasbuu wuxuu
Malakul mowdkii Iska celin waayey In uu ku qoslo Oo uu la yaabo dadaalka uu Odeygaan
ugu jiro Si uu sanado badan U sii noolaado,
Isagoo
weliba jira Da’daan aadka U weyn,
Maba ogaba in
cimrigiisa Ay ka dhimantahay Daqiiqado Kooban oo keliya.
Markaasbuu Alle
SW Malakul mowdka U soo waxyoodey Isagoo ku yiri
:فبعزتي وجلالي إن الذي أبكاك هو الذي أضحكك
Wuxuu Alle
SW Malakul mowdka Ku yiri: Cizzigeyga iyo Jalaalnimadeyda Ayyaan ku dhaarteye Midkii
kaa oohiyey Waa isaga oo Hadana Kaa qosliyey.
Subxaanallah
Alle qudradiisa Iyo awwooddiisa Odeygaani wuxuu ahaa Wiilkii yaraa Oo uu
hooyadiisa Meel cidlo ah Nafta uga soo qaadi jirey Oo uu sababtiisa U ilmeeyey Malakul mowdku,
Wuxuu noqdey
odeygaan Aadka u da’da weyn Oo ka qosliyey Malakul mowdka Dadaalkiisa iyo Han
dheeridiisa awgii.
Balse maxey aheyd
Arrinta cabsi gelisey Malakal mowdka.
Wuxuu Alle
SW Malakul mowdka Ku yiri: Maxaa ku cabsi geliyey? Wuxuu yiri:Waxaa I cabsi
geliyey Markii aad Igu amartey In aan nafta ka soo qaado,
Nin caalim
ah oo Culimadaada Kamid ahaa, Waxaan arkey Iftiin ka soo baxaya Qolkiisa,
Marba marka
ka dambeeya Oo aan U sii dhawaado Qolkiisa Wuxuu iftiinku Sigayey in uu dib ii
celiyo,
Wuxuu yiri Waxaan
ka cabsaday Iftiinkiisa Anigo Nafta ka qaadayey.
هذا والله سبحانه وتعالي أعلي وأعلم وصل الله وسلم وبارك علي سيدنا محمد
وعلي آله وصحبه أجمعين والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Fadlan
daawade Ha illoobin qisada In aad like saarto Oo aad la sii wadaagto Asxaabtaada.
mahadsanid
Labels: Qisooyin
0 Comments:
Post a Comment
Subscribe to Post Comments [Atom]
<< Home