Saturday, August 6, 2022

qissada dhagixii nabi muuse kala cararay dharkiisa



السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Dhamaan daawadiyaasheena sharafta leh ee ku xeran websitekeena.

 Qisada dhagaxii nabi muuse CS ka xaday dharkiisa, kuna qasbay in uu qoomkiisa ku soo baxo isaga oo qaawan.

 Waxay banuu israa’iil nabiyullahi muusaa CS u dhibeen si aanay u dhibin anbiyadii isaga ka horeysey,

Waxay mar walba shaki gelin jireen run sheegistiisa iyo nabinnimadiisa, weliba iyaga oo indhahooda ku arkayey intaaso mucjisooyin ah oo uu Alle SW ugu soo dhiibay nabi muuse CS.

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa: qisada dhagixii nabi muuse CS kala cararay dharkiisa, kuna qasbay in uu isaga oo qaawan ugu soo baxo banuu israa’iil hortooda, iyo sababta ka dambeysay in ay dhacdo mucjisadaasi.

waxaana daliil uga keeni doonaa qur’aanka kariimka ah iyo sunnadii nabigeena SC, ka bogasho wacan.

Waxaa qissadaan layaabka badan inoo soo wariyay nabigeena muxamad SC, waxeyna dhacday xiligii nabi muuse CS, kaasoo aad ugu dhibtoodey  qoomkiisa caqli xumidoodii iyo ficilladoodii layaabka badnaa iyo dhibkoodii.

Wuxuu nabi muuse CS ahaan jiray mid aad ugu dadaala asturnaanta jirkiisa, markaasbay qoomkiisu uga tuhmeen in uu sidaas u sameynayo si uu u qariyo cilad ku taalla jirkiisa, Waxayna dheheen:

immaa wuxuu qabaa baras ama xanuun kale, ama waxaa jirkiisa ku taalo xumaato kale oo uu qarinayo.

markaasbuu alle SW doonay in uu nabigiisa ka bari yeelo -wax yaabaha ay ku tuhmayaan, iyo in uu ka reebo dhibkooda,

, عن أبي هريرة رضي الله عنه, عن النبي صلي الله عليه وسلم قال: كانت بنواسرائيل يغتسلون عرات, ينظربعضهم الي بعض, وكان موسي يغتسل واحده, فقالووالله ما يمنع موسي أن يغتسل معنا إلا أنه أضر, فذهب مرة يغتسل فوضع ثوبه علي حجر, ففر الحجربثوبه, فخرج موسي في اثره يقول: ثوبي ياحجر, حتي نظرت بنو اسرائيل الي موسي فقالو: والله ما بموسي من بأس, وأخذ ثوبه, فطفق بالحجر ضربا

Abii hureyra allah haka raali noqdee wuxuu nabiga SC ka wariyay in uu yiri: banuu israaiil waxay ahaan jireen: kuwo halmeel iskula qubeysta iyaga oo qaaqaawan Oo midba midka kale eegayo.

nabi muusena CS wuxuu keligiis ku qubeysan jirey meel ka durugsan dadka, Markaasbay banuu israa’iil waxey dheheen:

wallahi muuse wuxuu nagula qubeysan la’yahay wuxuu qabaa adarro (Adarraduna waa xanun ku dhaca xubnaha taranka ee raga) kadibna xumeeya xubinta muuqeeda.

Wuxuu yiri SC Maalin maalmaha kamid ah ayuu nabi muuse CS u baxay in uu soo qubeysto, Markaasbuu  dhagax meesha yaalay kor saartay dharkiisii, kadibna dhagaxii ayyaa kala cararay dharkiisa.

Markaasbuu nabi muusena CS dhagixii daba orday isaga oo dhahaya: dhagaxyohow isii dharkeyga, ilaa banuu israa’iil ay ka arkeen nabi muuse oo dhar la’aan ah.

Kadibna waxey dheheen: wallahi muuse jirkiisa wax dhib ah ma qabo, Markaasbuu dharkiisa ka qaatay oo ulna ku dhuftay dhagaxii.

Wuxuuna Alle SW dhacdadaan ku xusay qur’aankiisa kariimka ah, wuxuuna yiri:

(ياأيهاالذين ءامنولاتكونوكالذين آذو موسي, فبرأه الله مما قالو)

Kuwa Alle iyo rasuulkiisa rumeeyay oo iimaanka laga heleyow ha noqonina kuwii nabi muuse dhibay oo kale,

Oo kadibna uu Alle ka bari yeelay wixii ay ku sheegeen.

Kuwa nabi muuse CS dhibay waa qoomkiisa banuu israa’iil, Wixii ay ka sheegeena waxay ahayd: in ay dheheen wuxuu jirkiisa leeyahay ceeb uu qarinayo.

Dadka qaarkood waa ay la yaabi doonaan qisadaan, waxayna is weydiin doonaan: sideebuu dhagax u cararayaa isaga oon nafba lahayn?.

balse taasi ma ahan arin Alle SW agtiisa ku culus Mana gariibsan doono qofkii rumeysan mucjisooyinka nabiyada iyo wax yaabaha aan caadiga ahayn ee uu Alle SW ku ayyiday anbiyadiisa.

 Dhagax in uu cararo kama yaab badna in baddii la kala dhambalo, iyo in dib loo soo nooleysiiyo naf dhimatay, iyo in dabkii laga dhigo mid qabow oo aanan dhib geysan, iyo kuwo kale oo badan oo kamid ahaa mucjisooyinkii nabiyada.

Wuxuuna Alle SW ogaa in tuhunkaan lugu tuhmay nabi muuse CS iyo risaaladiisa Ay tahay mafsado ka ween kana daran, in la arko nabi muuse CS cawradiisa.

Dhibka nabi muuse CS gaaraya hadii la arko cawradiisa ayaana ka fudud tuhunka ay qoomkiisu ku tuhmeen,

Wuxuuna Alle SW in ay arkaan ugu suurageliyay daruuro awgeeda, daruuradaaso ahayd in tuhunkaan laga qabo laga baabi’iyo.

Waxaan filayaa qisadaan in aad ka wada faaideysateen, hadii aad ka faaideysatay fadlan ha iloobin in aad like saarto oo aad la sii wadaagto asxaabtaada

هذا والله سبحانه وتعالي أعلي وأعلم وصل الله وسلم وبارك علي سيدنا محمد وعلي آله وصحبه أجمعين والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته


Labels:

0 Comments:

Post a Comment

Subscribe to Post Comments [Atom]

<< Home