Monday, August 8, 2022

qisadii xiisaha badnayd ee bariira iyo zowjkeedii hore

 


السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

 dhamaan daawadiyaasheeda sharafta leh ee ku xeran websitekeena,

Dumarkii joogey xilligii nabiga SC waxey juhdi iyo dadaal fara badan ku bixin jireen islaamka,

Waxey nabiga SC ka baran jireen arrimaha diintooda, kadibna waxey sii bari jireen dumarka kale.

Waxaana jiri jirtey saxaabiyad jaliil ah oo magaceeda la oran jirey bariirah

Waxey saxaabiyadaani kamid ahaan jirtey addoomada,

Waxeyna ku noolaan jirtey nolol qalafsanaan ah oo aad u murugo badan, waxeyna aheyd mid aanan weligeeda kabban kabbasho farxadeed,

waxeyna ahayd mid laga qadiyey xanaaneynta iyo koolkoolinta waalidiinteeda,

Balse Ugu dambeyntii ummunaa caaisha Allah haka raali noqdee ayaa intey iibsatey kadibna Alle dartiisa u xureysey SW.

bariira ayaa markii ay weynaatey waxey guursatey: saxaabi la oran jirey mugiith ibnu jaxshi, kaasoo isaguna ahaa mid adoon ah,

Waxeyna u dhashay hal canug.

Bariira ayaa guriba guri uga sii gudbeysey illaa ugu dambeyntii nasiibku uu ka soo ridey gurigii nabiga SC, waxeyna khaadim u noqotey oo ay akteeda joogi jirtey umunaa caaisha radiyallahu canhaa.

Waxey aheyd qofkii ugu caansanaa ee nabiga u khidmeysey markii la eego xaga dumarka,

Waxeyna habeen iyo maalinba dhax joogi jirtey nabiga SC gurigiisa si ay ugu khidmeyso isaga iyo umunaa caaisha RC

Ilaa nabiga SC xittaa hadii uu u baahdo cadey ay u keeni jirtey bariira,

Bariira allah haka raali noqdee waxey ahayd mid tusaale loogu soo qaato sharafta iyo akhlaaqda iyo deeqsinimada

Waxeyna aheyd mu’minad aad u sabar badan oo ilaalshaneysa diinteeda iyo islaamnimadeeda,

Nolosheeduna waxey tusaale u aheyd zuhdiga iyo taqinimada iyo alle ka cabsiga SW

Waxeyna noqotey mid dadka oo dhan ay wada yaqaanaan oo ay u keenaan hadiyado fara badan,

Wuxuuna sha’nigeeda iyo sharafkeeda kor u noqdey u khidmeyntii ay nabiga SC u khidmeysey awgeeda

Balse waxaa aad u sii xumaanayey khilaaf u dhaxeeyey iyada iyo zowjkeeda,

Maxaa yeeley isagu wuxuu ahaa nin adoon ah, iyaduna waxey noqotey mid xur ah, waxeyna diidey in ay la sii noolaato

Kadib markii ay xurrowdey ayuu nabigu SC kala dooransiiyey in ay la sii noolato ninkeeda-oo-adoon ah, ama in ay kala tagaan oo kadibna ay guursato nin xur ah,

Kadibna Waxey bariira dooratey kala taga,

Kadibna ninkeeda ayaa murgey murugo aad u fara badan, wuxuuna aad uga ooyey kala tagooda,,

Wuxuu mugiith oo ahaa bariira ninkeeda isagoo ilmo fara badan ay ka qubaneyso dhabanadiisa dadka hortooda bariira uga baryi jirey in ay u soo laabato.

Marbuu nabiga SC isagoo la fadhiya saxaabadiisa wuxuu arkey mugiith iyo xaalkiisa, markaasbuu nabigu SC u calol dabcey oo xaaladiisana ka calol xumaadey

Markaasbuu asxaabtiisa ku yiri: war miyaadan la yaabin jacaylka uu mugiith u qabo bariira, iyo carada ay bariira u qabto mugiith, kadibna nabiga SC intuu istaagey ayuu wuxuu aadey bariira xageeda,

Wuxuuna uga waramay mugiith xaalkiisa, iyo wixii ka muuqdey oo murugo iyo tabar daro ah,

Kadibna wuxuu nabigu SC u ban dhigey in ay ku laabato oo ay ugu naxariisato tabar daridiisa iyo oohintiisa awgii

Isla markaasna waxey bariira xasuusatey maalmihii qalafsanaa ee ay ku nooleed addoonimada

Kadibna waxey nabiga SC ku celisey su’aal kale, waxey tiri: yaa rasuulallah amar miyaa mise waa shafeeco ama ergouun

Kadibna nabiga SC ayaa ku yiri: maya waxaan ahay uun mid u ergeynaya ama u shafeecaya,

markaasbey tiri: yaa rasuulallah wax dan ah kama lihi

Bariira waa ay diidey shafeecadii nabiga SC.

فاللهم لا تحرمنا شفاعة نبيك صل الله عليه وسلم يوم القيامة

هذا والله سبحانه وتعالي أعلي و أعلم

وصل الله وسلم وبارك علي سيدنا محمد وعلي آله وصحبه أجمعين

Daawadiyaasheyda sharafta leh, waxaan filayaa in aad ka wada faaideysateen qissadaan, hadii aad ka faaideysatey fadlan ha iloobin in aad like saarto oo aad la sii wadaagto asxaabtaada.

Labels:

0 Comments:

Post a Comment

Subscribe to Post Comments [Atom]

<< Home