Saturday, September 10, 2022

qissadii qaaruun ee layaabka badnayd

 


السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Yuu ahaa qaaruun?

qisadiisuna maxay ahayd?

xaguuse ku noolaa?

Daawadiyaasheena  sharafta leh waxaan maqaalkaan gudihiisa idinkugu soo gudbin doonaa

qissadii qaaruun oo ah mid kamid ah qisooyinka ugu layaabka badan ee uu alle SW qur’aankiisa inooga waramay.

Qaaruun waxaa lugu tiriyaa in uu yahay mid kamid ah maalqabeenadii ugu waaweynaa qoomkii nabi muuse CS, Wuxuuna ahaa nin haysta dhaqaale iyo xoolo aad u fara badan, Wuxuuna fircoon waziir uga ahaa arimaha cibraaniyyiinta. Wuxuuna qaaruun ku noolaan jiray masar

Waxaana magaciisa lagu sheegay meelo badan oo kamid ah qur’aanka kariimka ah,

Waxaana kamid ah suuratul cankabuut, iyo suuratul gaafir, iyo suuratul qasas

Allena SW wuxuu yiri:

 ۞ إِنَّ قَٰرُونَ كَانَ مِن قَوْمِ مُوسَىٰ فَبَغَىٰ عَلَيْهِمْ ۖ وَءَاتَيْنَٰهُ مِنَ ٱلْكُنُوزِ مَآ إِنَّ مَفَاتِحَهُۥ لَتَنُوٓأُ بِٱلْعُصْبَةِ أُوْلِى ٱلْقُوَّةِ إِذْ قَالَ لَهُۥ قَوْمُهُۥ لَا تَفْرَحْ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يُحِبُّ ٱلْفَرِحِينَ

Hadaan u imaano Qaaruun nasabkiisa:

waxaa Saciid binu jubeyr laga wariyay in uu yiri: qaaruun wuxuu kamid ahaa qoomkii nabi muuse CS, wuxuuna ilma adeer la ahaa nabi muuse CS,

Waxaa kaloo sidaas yiri ibraahiim annakhciyi iyo sammaaka binul xarb, iyo c/laahi binul xaarith binu nawaffal iyo ibnu jureyj iyo Maalik ibnu diinaar

Ibnu jureyjina wuxuu ka yiri: wuxuu ahaa qaaruun binu yas,hir binu qaahith,

Nabi muusena wuxuu ahaa muusaa binu cumraan binu qaahith

Muxamad ibnu isxaaq binu yasaarna wuxuu yiri: qaaruun wuxuu adeer u ahaa nabi muuse CS

Ibnu jariir iyo in badan oo kamid ah ahlul cilmigana waxay sheegen in ay ahaayeen ilma adeero

Qataadata ibnu dacaama wuxuu adkeeyay isla qoolkaan Wuxuuna ku daray in uu ku caan ahaa magaca (al munawir)

Waxaana loogu bixiyay codkiisa oo aad ugu wanaagsanaa akhrinta towraadka awgii

Balse wuxuu noqday mid munaafaq ah sidii saamiriyi oo kale, taasoo sababtay in uu halaagsamo.,

Qur’aanka kariimka ah ayaa si faahfaahsan inooga waramay qaaruun qisadiisa, wuxuuna noo sheegay in uu kamid ahaa qowmkii nabi muuse CS

Iyo in qisadaan dhacday iyadoo nabi muuse CS iyo banuu israaiilba ay ku sugnaayeen masar ka hor inta aysan ka soo bixin

Wuxuuna qur’aanku sidoo kale nooga sheekeeyay keydadkii qaaruun iyo bangiyadiisa

Wuxuu alle SW kitaabkiisa inoogu sheegay in furayaasha qolalkiisii oo ay keedadku uga buuxeen oo keliya ay rag waaween oo xoog badan si dhib ah ku qaadi jireen,

Taasoo muujinaysa tira badnida keedadkii uu lahaa qaaruun

Kadib Markii uu alle SW qaaruun ka dhigay mid hodan ah oo hanti badan haysta ayuu ku kibray qoomkiisa, wuuna dulmin jiray, dhulkoodii iyo waxay haystaanba waa uu ka qaadan jiray.,

Waxay Cuqaashii qoomkiisa kula taliyeen in uu kibirka iska dhaafo oo uu hanuunka iyo waddadii toosnayd usoo laabto

Waxayna uga digeen farxad qofkii farxa dhibaato u geesata, oo halmaansiisa allihii ugu nimceeyay waxaaso barwaaqo ah _

Waxay sidoo kale ugu naseexeeyeen in uu aakhiradiisa u shaqeysto oo uu xoolihiisa wax ka sadaqaysto, oo uusan ku bixinin keliya shahawaadkiisa adduunyada, Iyo in xoolihiisa uusan ku bixinin mucaaradidda ama dhibaateynta diinta

Waxayna uga digeen dulminta dadka kale iyo fasahaadka

Waxayna kula taliyeen in uu maalka ixsaan ku sameeyo, iyo in uu fuqarada wax ka siiyo si uu alle SW ugu barakeeyo maalkiisa oo uu ugu ziyaadiyo.,

Dhammaan waanooyinkaas wuxuu qaaruun ugu jawaabay hadlkiisi ahaa:

قال إنماأوتيته علي علم عندي

Wuxuu yiri: xoolahaan waxaan ku helay aqoon aan leeyahay awgii

Jawaabtaana ayaa waxay muujinaysaa sida uu u kedsanaa oo uu U halmaansanaa allihii ugu nimceeyay xoolahaan keydadkaan faraha badan, Barwaaqada iyo nimcada uu ku jiro ayaa indhaha tirtay, waanadana iyo digniintana dheg jalaq uma siinin

Maalin maalmaha kamid ah qaaruun ayyaa qoomkiisa u soo baxay isagoo aad isku soo qurxiyay oo soo xertay dhar aad u qurux badam

Qaar kamid ah qoomka ayaa waxay tamaniyeen hadii ay lahaan lahaayeen wuxuu haysto qaaruun oo kale,

waxayna daremeen in uu haysto nicmo aad u ween

Balse waxaa kuwaas u jawaabay kuwii kale oo kamid ah mu’miniinta iyo culimada

Waxayna dheheen waad hoogteen kuwiinan kedsanow, ka taxadira fitnada, allena ka cabsada SW, ogaadana in waxa alle agtiisa ah ay ka kheyr badanyihiin quruxdaan

Waxa alle agtiisa ah ayyaana ka kheyr badan qaaruun iyo wuxuu haysto.,

Markaan ayyuu alle SW soo fara geliyay si loo xadido fitnadaan oo uu qaaruun u sabab ahaa in ay dhacdo, iyo si loo burburiyo kibirka iyo isla weeynida qaaruun,

Ciqaab adag ayaa u yimid ficilladiisa xunxun awgiisa

Wuxuu alle SW yiri:

فخسفنابه وبداره الأرض

Dhulka ayaan la jarnay isaga iyo guryihiisaba, Waxayna taasi ku dhacday ilbiriqsi gudaheeda, dhulkii ayaa liqay qaaruun iyo guryihiisii iyo dhamaan wuxuu haystay,

Dadkii ayaa aad ula fajacay waxii ka dhacay hortooda,

Waxayna bilaabeen in ay is fiirfiiriyaan iyagoo la yaaban meesha uu ku dambeeyay qaaruun

Kuwii tamaninaayay in ay lahaan lahaayeen xoolaha qaaruun oo kale iyo quruxdiisa _

Waxay dheheen: wuxuu alle SW arzaaqdiisa u balaariyaa cidduu doono oo addoomadiisa kamid ah, markii uu doonana waa uu ka qaataa

Markaasay alle SW uga mahad celiyeen waxa ay ku suganyihiin, iyo in uu ka badbaadiyay halaagaas iyo cadaabkas adag.,

Xikmada laga leeyahay qisada qaaruun,. Waxaan ka baraneynaa in tani ay tahay meesha uu mudanyahay in uu ku dambeeyo qof walba oo alle SW iskala weyneesiiya ee kibra,_

Oo adduunyo ku kedsooma oo iska halmaama in alle SW uu yahay kan ugu nimceeyay nicmooyinkas, si uu adduunyo ugu raaxeysto oo uu wanaag ku sameeysto  oo uu fuqarada wax ka siiyo, si uu aakhirona ugu badbaado_

Oo uusan iskala weeynaan dadka kale oo aanan heysan xoolihiisa oo kale

Allihi siiyayna wuxuu awoodaa in uu ilbiriqsi uga qaato dhamaantooda.,

Waxaan filayaa in aad ka wad faaideysateen  qisadaan fadlan hadii aad ka faaideysatay ha iloobin in aad like saarto oo aad u sii sharegareyso asxaabtaada

Tan iyo qissadeena xiktana sidaas iyo nabad gelyo

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

 

Labels:

0 Comments:

Post a Comment

Subscribe to Post Comments [Atom]

<< Home