qissadii xiisaha badneyd ee nabiyullaahi yuusuf CS
السلام عليكم ورحمة الله
Dhamaanteenu waan wada ognahay qisadii nabi yuusuf cs iyo zuleykha oo ahayd xaaskii caziizu masar., taaso jacayl xad dhaaf ah u qaaday
Balse waxay dad badani mooganyihiin meesha ay zuleykha ku danbeysay qisadaas kadib, iyo wixii ku dhacay geerida caziizka? Iyo kasoo bixidii nabi yuusuf kasoo baxay xabsiga kadib
Ma dhabbaa in uu guursaday nabi yuusuf CS?,
zuleykhana maxaa araga tiray?
Ka bogasho wacan
Kadib markii uu alle SW nabi yuusuf ka badbaadiyay xumaantii ay la doonayeen walaalihiisa, iyo dhagartii ay u dhigeen oo ay ku tuureen ceelka
Wuxuu alle SW qadaray in kolonyo safareey ah ay soo maraan ceelka agtiisa kadibna ay ceelka ku dhax arkaan N yusuf
Horay ayyeyna u sii qaateen iyagoo doonaya in ay iibsadaan
Wuxuuna alle SW qadaray in uu ka iibsado caziizkii masar ee xiligaas oo uu qasrigiisa ku korsado.,
Wuxuu N.yuusuf CS ku barbaaray qasriga caziizkii masar iyo xaaskiisa
Markii uu weynaaday nabi yuusuf CS oo dhalinyarnimadiisa iyo quruxdiisa ay u dhamaystirmeen
Waxaa aad uga heshay xaaskii caziizka, waxaana ka tambadiyay jacaylkii ay u qaaday.
Magaceedana waxaa la oran jiray raaciil ama zuleykhah,
Waxay ahayd haweeney mansab iyo sharaf iyo quruxba isku darsatay oo qasriga boqortooyadana aad looga jecelyahay
Waxayna ahayd mid dhamaan dumarka ku sugan qasriga boqortooyadu ay indhaha ku hayeen, oo ay ka maseeri jireen
Waxayna ka xasdi jireen wuxuu alle SW siiyay oo qurux iyo madaxtinimo ah.
Waxaa la yiri ninkeeda oo ah caziizka kuma uusan dhawaan jirin dumarka,.
Waxay isku deyday in ay yuusuf CS ku rido zino iyo faaxisho, balse waa uu ka cararay cabsi uu ka cabsanayo ku caasinta alle SW awgeda
Alle SW ayaa ilaaliyay oo ka badbaadiyay dhacdadas layaabka leh
Dhacdadas oo faahfaahsana waxan ku sheegi doona muuqaaladeena soo socda haduu alle SW noo idmo,.
Diidista uu yuusuf CS diiday rabitaanka zuleykha awgeeda ayyey caziizka ku qasabtay in uu xabsiga dhigo
Wuxuuna xabsiga ku qaatay sanado badan
Ugu danbeentiina wuxuu alle SW qadaray in boqorkii uu ka saaro xabsiga oo uu soo dhaweysto, wuxuuna boqor uga dhigay masar wuxuuna u dhiibay xilkii caziizkii zulekha ninkeeda ahaa,.
guurkiisa zuleykhana wuxuu kusoo arooray riwaayado badan
Markii uu yuusuf CS waziir ka noqday masar zuleykha waxaa ku ziyaaday jacaylkii ay u qabtay
Maalmo dhan ayeyna iska ooyn jirtay iyado aad ugu hilowday
Waxayna dhaqaalaheeda dhan ku bixin jirtay in ay siiso qofkii warkiisa u keena
Mudo kabacdina oohinti badnayd iyo murugta awgii waa ay indha beeshay, wayna gabowday oo tabar beeshay
Waxayna dhamaan xoolaheedii iyo quruxdeedii ku baaba’een raadinta yuusuf CS
Sidoo kale zuleykha waxay ahayd mid rumeysay alle SW
Waxayna ahayd mid barida rabigeeda oo u kaalmeysata kalgacaylka ay u qaaday yuusuf cs
waxayna sidaas ku sugnayd sanado badan, illaa uu alle SW nabi yuusuf u waxyooday in uu guursado zuleykha,
Markaasuu soo waday wuxuuna geeyay qasrigiisa,
Markaasu qalbiga u dejiyay,
iyaduna waxay la oyday farxad ay ku faraxday la kulankiisa awgii, waxayna tamaniday in uu alle SW usoo celin lahaa arageeda si ay u aragto jacaylkeeda yuusuf
Arrinta kaloo mucjisada ahayd ayyaa ah in uu alle SW nabigiisa yuusuf ducadiisa u ajiibay oo uu zuleykha u soo celiyay arageeda iyo dhalinyarnimadeeda
Waxay noqotay haweenay dhalinyaro ah oo aad u qurux badan sidey awalba ahaan irtay
Wuxuna alle SW u qoray cimri labaad iyadoo xaas u ah yuusuf CS
Riwaayad kalena waxay leedahay, markii uu yuusuf boqorka ku yiri:
اجعلني علي خزائن الأرض إني حفيظ عليم
Wuxuu boqorku ku yiri: waan kaa dhigay, wuxuuna ku wareejiyay shaqadii caziizka,
caziizna waa uu ka cazilay xilkiisa, waxaana la yiri isla habeenkas ayuu caziizku dhintay markaasu boqorku yuusuf u guuriyay xaaskii caziizka
Markay usoo gashayna wuxuu ku yiri: sidaan soo kama kheyr badna wixii aad dooneysay
Markaasay tiri: saaxiibkeygiyow ha ila yaabin sidad arkeysidba waxan ahay gabadhaan aad u qurux badan oo isaga nimceesaneyse boqortooyo iyo adduunyo, saaxiibkeygana wuxu ahaa midan u tagin dumarka
Adigana wuxuu alle SW kaa dhigay mid aad u qurux badan oo aad u wanaagsan, nafteyda ayyaa iga tambadisay quruxdaada awgii
Waxay kaloo sheegeen in markii uu guursaday uu arkay in ay bikro tahay,
Uur ayeena u qaaday waxayna dhashay laba wiil,.
Ugu danbeentii waxaa muhiim ah ama lagama maarmaan ah in aad ku baraarugtaan in qur’aanka kariimka ah iyo sunadaba aysan ku sugneen wax caddeynaya ama diiday in yuusuf CS uu guursaday xaaskii caziizka
Balse sheekooyinka laga soo guuriyay riwaayadaha ayyaa tusinaya oo ka sheekeynaya guurkooda
Riwaayadahaana waxaa laga soo qaatay israaiiliyaadka, inaguna ma rumeysaneeno mana beenineeno
Inagoo raaceena hadalkii nabiga SW oo ahaa
لاتصدقو أهل الكتاب ولاتكذبوهم وقولوءامنابالله وماأنزل الينا
Ha rumeysanina ahlul kitaabka hana beeninina waxaadna tiraahdaan alle ayaan rumeynay iyo wixii nalagu soo dejiyay
Qisooyinka israaiiliyaadkuna waxay noqon karaan kuwo been abuur ah
Waxayna noqon karaan kuwo sax ah
Labels: Qisooyin
0 Comments:
Post a Comment
Subscribe to Post Comments [Atom]
<< Home