qisadii cuteyba ibnu abii lahab, ninkii nabiga SC indhaha ooga candhuufay
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Dhammaanteenu waxaan wada ognahay abuu lahab in uu ahaa cadowgii islaamka, iyo cadowgii ugu weynaa ee nabigeena SC
Waana kii alle SC ku soo dejiyay suurad dhan oo quraanka kamid ah oo lugu lacnadayo isaga iyo xaaskiisa umu jamiil
Balse waxaa yer dadka yaqaana waxa ay caruurta abii lahab dadka hortooda si naxariis darro ah ugu sameyn jireen nabiga SC iyo gabdhihiisa ruqiyo iyo umu kalthuum
Waxaana yer dadka yaqaana sida uu alle SW uga aargoostay
waxaan Maqaalkaan gudihiisa idinkaga sheekeyn doonaa qisadii cuteyba ibnu abii lahab, kaasoo nabiga SC indhaha ooga candhuufay,
Wuxuuna alle SW nabigiisa ugu aaray meel uusan ka fileyn.
Ka bogasho wacan
Aan u imaano qissadeena maanta
Nabiga SC adeerkiisa abuu lahab wuxuu ahaa islaamka kahor mid jecel nabiga SC, wuxuuna lamid ahaa qoomkiisa intooda kale
Nabiguna SC wuxuu qoomkiisa dhexdooda ka ahaa mid loo yaqaanay runlowgii aaminka ahaa
Nabiga iyo abii lahabna waxaa u dhaxeeyay xiriir qaraabanimo oo aad u adag
Wiilkisa ween oo loo yaqaanay cutba ayaa guursaday ruqiyo RC oo ahayd gabadhii nabiga SC,
Sidoo kale wiilkiisa kale ayaa guursaday walaasheeda umu kalthuum RC
Markii uu waxyigu kusoo degay nabiga SC oo uu bilaabay in uu diinta dadka gaarsiiyo, abuu lahab wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyay ee beeniyay oo la collowtamay
Markii uu abuu lahab ogaaday in wiilkii uu adeerka u ahaa muxamad uu diin cusub dadka ugu yeerayo, waa uu iska bari yeelay wuuna dhibsaday
Wuxuuna bilaabay in uu dadka uga digo oo uu ku diro
Si walbo oo uu ku dhibaateyn karana waa uu sameeyay
Ilaa uu markii uu arko nabiga SC oo dadka diinta ugu yeeraya intuu gadaashiisa istaago cod dheerna ku dhihi jiray muxamad waa beenlow, muxamad waa uu ka baxay diinteena
Isagoo ula jeeda diinta qureysh oo ahayd in la caabudo laata iyo cuzza
Abii lahab magaciisa dhabta ahna wuxuu ahaa c/cuzzaa binu c/mudalib,
Qof walba oo islaamana waa uu dhibi jiray
Xaaskiisaan la nacladayna waxay ugu kaalmeen jirtay dhibaateynta nabiga SC
Qodxo ayyee wadada u dhigi jirtay nabiga SC si ay u mudo isaga iyo asxaabtiisa,.
Maalin maalmaha kamid ah alle SW ayyaa nabiga SC kusoo dejiyay suuratul masad, taasoo uu abii lahab iyo xaaskiisa ugu bishaareeyay naarta jahanamo
Markii uu abii lahab ogaaday arrinkaana waxaa u kordhay xanaaq iyo caro
Markaasu u tagay labadiisa wiil oo kala ah cutbaa iyo cuteybaa, wuxuuna ku amray in ay wada furaan labadii gabdhoodo ay ka qabeen nabiga SC oo kala ahaa ruqiyo iyo umu kalthum, isagoo sidas u yeelaya in uu nabiga sc oga aarguto isaga iyo xaaskiisaba
Wuxuu ku yiri: madaxayga iyo madaxiina waa kala xaaraan haddaadan furin labadii gabdhoodo ee muxamad,.
Markii uu wiilkiisa cuteyba u kacay in uu shaam u raaco aabihiisa wuxuu yiri: muxamadban u tagaya waana soo dhibayaa
Wuxuu u tagay nabiga SC wuxuuna ku yiri:
يامحمد إني كافربالنجم اذاهوي وباللذي دنافتدلي
Kadibna nabiga hortiisa ayuu ku candhuufay gabadhiisa umu kalthuumna waa uu furay
Nabiga SC ayaa ka carooday, wuuna habaaray oo wuxuu ku yiri:
اللهم سلط عليه كلبامن كلابك
Cuteyba ayyaa asxaabtiisa ganacsi ugu raacay shaam, iyagoo wadada kusii jira waxaa usoo baxay libaax, wuxuuna ka yeryeeray hortooda
Cuteyba ayyaa aad u naxay dhulkii ayaana ciriiri ku noqday, wuxuuna jirkiisu bilaabay in uu jareeyo isagoo ku dhax jira asxaabtiisa
Waxay ku dheheen: maxad la jareynesa?
Wuxuu yiri: muxamad ayaa isoo habaaray habaarkiisana waala aqbalaa
Kadibna meel ayyey degeen
Qof raahib ah oo meesha ku lahaa mowlac ayaana siiyay oo u ogolaaday in ay degaan mowlaciisa, wuxuuna ku yiri: halkaan waa meel dugaag badan
Markaasay alaabtooda isku keeneen oo is dul sasaareen kadibna alaabta korkooda ayee cuteyba u gogleen iyagoo ilaalinaya ammaankiisa iyaguna waxay seexdeen dhinacyadiisa
Libaax ayyaa u yimid iyagoo hurda markaasu dhamaantood ka ursaday madaxa ilaa uu ugu danbeyntii ku tagay cuteyba, markaasu halmar ka qabtay madaxa oo ka burburiyay wuuna ka takhalusay,
Habaarkii nabiga SC ayaana u rumoobay, cuteybana wuxuu dhintay isagoo gaal ah
Abii lahab wuxuu dhalay 6 caruur ah, waxaana ka islaameen labo kamid ah,
Abii lahab dhimashadiisuna ma ahayn mid ka wanaagsaneed dhimashada wiilkiisa cuteyba xaga xanuunka iyo dulinimada
Waxaana ku dhacay cudur xun oo loo yaqaano maradul cadasah
Dadkii ayaa ka wada fogaaday oo iska takooray awlaadiisuna waa ay ka fogaadeen, ilaa uu ka geeriyooday isagoon cidina u dhawaaneen cabsi laga qabay xanunkas awgii
Kadibna god ayee u qodeen ulo ayeena ku qaadeen ilaa ay godka ugu duugeen,
Wuxuu adduunyo ku helay dulinimo iyo cadaab, aakhirana waxaa sugaya ciqaab iyo jahanamo oo uu ku waari doono
وصل الله وسلم وبارك علي سيدنا محمد وعلي آله وصحبه أجمعين
والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Labels: Qisooyin
0 Comments:
Post a Comment
Subscribe to Post Comments [Atom]
<< Home