Qisadii namruud
Ma maqashay qisadii namruud oo ahaa boqorkii gaalka ahaa oo dhulka xukumi jiray gees ka gees iskuna dayay inuu alle la tartamo
Waxaa aad u yar dadka si xeel dheer u yaqaana qisada boqorkaan isla waynidu ka badatay
Allena wuxuu inoogu waramay mid kamida aayadaha ugu waaween quraankiisa
Waxaan halkaan ku faahfaahin doonaa qisada namruud iyo wuxu ku sameye nabi ibraahim CS iyo meesha layaabka leh e ay ku dhamaatay qisadiisa.
Namruud waxa uu ahaa mid kamida boqorada ugu waaween ee aduunka soo xukumay
Wuxu alle siiyay xoolo aad u farabadan iyo sharaf intaba
Waxa u aha nin heesta boqortooyo aad u xoog badan iyo ciidamo aad u farabadan
Wuxuuna haystay keydad aad u farabadan oo buuxiyay dhamaan qasriyadiisa
Boqortooyadiisuna kuma aysan koobneen hal magaaalo ama hal wadan wuxu xukumi jiray dhamaan dhulka iyo wixi ku jiraba
Aduunyo masoo marin gaal wada xukuma marka laga reebo asaga iyo mid kale mooyee
Ibnu cabaas waxaa laga wariye inu yiri rasuulka NND wuxu yiri “dhulka waxaa soo xukumay afar labo mu’min ahaa iyo labo gaal ahaa. Labada mu’minka ahaa waa: dulqarneyn, iyo suleymaan CS. Labada gaalka ahayena waa namruud, iyo bakhtanasar Waxaana shan ku noqon doona mid kamid ah ahlubeydkeyga”
Namruud boqortooyadiisa waxee la ekeed boqortooyadi nabi suleymaan CS kaasoo alle siiyay maamulka dhulka iyo waxa ku jira
Waxaa la yiri namruud wuxu kasoo jeedaa ciraaq wuxuuna noolaa 400 oo sano qasrigiisuna wuxuu ku yaallay ciraaq
Waa uu ka waynaa fircoon wuuna ka awood badnaa
Wuxuu alle caza wajalla doonay inu soo diro nabigiisa ibraahim xiliga namruud
Dadku waxe uga iman jireen meel walba wuxuuna siin jiray cuno iyo cabitaan.
Qof walboo u yimaado inta uusan wax siin wuxuu weydiin jiray.
Yaawaaye rabigaaga? Ma aaminsantahy inan ahay rabigaaga?
Qofka baahan wuxu ogu jawaabayay haa waan ku aaminsanahy, markaas ayuu siinayay cuno iyo cabitaan
Namruud naclatullah calayhi wuxuu sheegtay ilahnimo siduu sameeyay fircoon naclatullah calayhi
Dadkana wuxuu ku qasbe ine asaga caabudaan iskuna duleeyaan.
Sidaas ayuuna ahaa ilaa maalin uu nabi ibrahim u baahday cuno iyo cabitaan si uu ugu quudiyo ahalkiisa
Nabi ibrahim CS wuxuu aaday namruud si uu cuno uga soo qaato
Namruud ayaa dhankiisa eegay wuxuuna ku yiri
Yaawaaye rabigaaga? Ma aaminsantahy inan rabigaa ahay?
Nabi ibrahim CS wuxu ku yiri “maya rabigay matihid”
Namruud wuxuu ka naxay jawaabta uu siiyay nabi ibraahiim CS waayo hore ulama uusan kulmin cid beenisa.
Namruud wuxu ku yiri waa yaab ma waxaad leedahay rabi aan aniga ahayn?
Nabi ibrahim wuxu ugu jawabay haa
Namruud wuxu yiri yawaaye rabigaaga? Sifooyinkiisana maxaa kamid ah?
Nabi ibrahim CS wuxu ugu jawaabay “rabigee waa kan waxna dila waxna nooleeya”
Namruud wuxu yiri taas waa wax aad iigu fudud anba waxna waan dilaa waxna waan nooleeyaa anaana ka fiican rabigaaga
Alle SW asagoo nooga waramaya wuxu yiri:
الم تري الي الذي حاج ابراهيم في ربه ان ءاتاه الله الملك اذقال ابراهيم ربي الذي يحيي ويميت قال انا احيي واميت
Nabi ibrahim wuxu ku yiri side wax ku dishaa waxna ku noolesa?
Namruud wuxu ciidankiisa faray ine u keenaan laba nin oo dil ku xukunaa
Mid ayuu dilay midka kalena waa uu cafiyay wuuna sii daaye.
Markasu nabi ibrahim ku yiri sooma aragtid inan waxna dilo waxna nooleeyo anaana rabigaa ka fiican
Wuxuu yiri muxuu kalo rabigaa sameeyaa?
Alle ayaa nabi ibrahim u tilmaamay ereyo namruud xujadiisa burburisay gebi ahaana mugdi gelisay. Wuxuuna ku yiri:
فاءن الله ياتي بالشمس من المشرق فات بهامن المغرب فبهت الذي كفر
“Hadii ilahnimada aad sheeganeso dhab tahay rabigee wuxu qoraxda kasoo bixiya bariga bal adigu kasoo bixi qorax dhac/galbeedka”
Sidaas ayuuna nabi ibraahim dadka ugu caddeeyay beenta iyo baadida namruud mana uusan ka jawaabi karin dalabkiisa
Waa uu aamusay wuxuuna yiri caro iyo wareer awgii: halaga saaro qasrigayga
Nabi ibrahim waauu ka tagay asoon wax cuno iyo cabitaan midna uga soo qaadin cidiisa taasoo uu awal ugu yimid
Wuxuu laabtay asoo murugsan oo gacan maran
Markuu cidiisa usoo dhawaaday weelashii uu waday wuxuu ka buuxiyay ciid wuuna ku daboolay, wuxuuna yiri cideyda ayan ku mawelinaya
Markuu cidiisa soo gaaray alaabtiisana dhinac u dhigtay waa uu jiiftay daalka safarka awgii
Xaaskiisa saara markey furfurtay alaabtii waxee aragte weelashii oo raashiin iyo cabitaan ka buuxo, cunto ayeena ka sameysay
Nabi ibraahim markuu soo kacay wuxuu arkay cuntadii iyo cabitaankii, wuxuuna xaaskiisa ku yiri: xagee ka keentay?
Waxee ku tiri waa raashiinka aad keentay
Nabi ibrahim wuxu ogaaday inuu alle irsaaqay bedelna uga dhigay cuntadii uu namruud ka doontay ciidiina ugu bedelay raashiin iyo cabitaan
Waxaa la yiri alle CW wuxuu namruud usoo diray malak si uu iimaanka ugu yeero, waa uu diiday
Mar labaad ayuu ugu yeeray inu alle rumeyo SW, waa uu diiday, mar sadexaad ayuu ugu yeeray, waa uu diiday allena wuu ku kufriyay
Wuxuuna malagii ku yiri waxaad hayso la imow ana waxaan hayan la iman waa aan arki doonaa midkeenii adkaada aniga ama rabigaaga.
Boqortooyada alle siiyay iyo maalka ayaa ka indho saabay xaqa iyo wuxu yahay.
Markey qoraxdu soo baxday namruud wuxuu kulmiyay ciidankiisa difaaca iyo milaterigaba si uu alle ula dagaalo CW
Allena wuxuu usoo diray ciidan balse cidina ma maleysaneynin ciidanku alle soo diri doono.
Alle wuxu usoo diray ciidan isugu jira tixsi iyo kaneeco waana kuwa ugu tabarta yer alle khalqigiisa, si uu namruud u tuso tabar daridiisa iyo tabar darida ciidankiisa
Xasharaadkii waxe buuxiyeen hawada ilaa qoraxda ay ka qariyeen tira badnidooda awgii
Aduunyadii ayaa mugdi ku noqotay namruud iyo ciidankiisa wuxuuna alle ku saliday kaneeco waxee cuneen hilbaha ciidanka dhiigiina wee cabeen waxee kaso reebeen lafo burbursan wuxu alle amray kaneeco kamida waxee sanka ka gashay namruud mudo dheer ayeena maskaxda ugu jirtay, mana dhimaneso mana kaso baxeso si walboo uu isugu dayay inu iska saaro
Taasna waxee aheed ciqaabka uu alle ku ciqaabay adduunyada
Madaxiisa ayuu garaacayay xanuun iyo xanxanto awgii, wuxuu sameeyay qaab walba uu isaga saaro kaneecada si uu isaga reebo dhibkeeda
Dadka la jooga wuxu ka dalban jiray inee madaxa ka garaacaan
Dhibkaas iyo dulinimadaas ayuu ku jiray illaa uu alle ka halaagay oo nafta ka qaaday
Waxaa ceeb oo dhan ka nazahnaaday allaha awwooda iyo mulkigaba leh, markuu namruud kula tartamay ciidankiisa iyo cududiisa wuxuu usoo diray khalqigiisa kuwa ugu tabarta yar, markaasay isaga iyo ciidankiisiiba halaageen, si ay cibro qaadasho ugu noqoto cid walba oo alle ku kufrisa kuna qasbanaadaan cibaadadiisa
Riwaayadaha qaarna waxee leeyihiin namruud wuxuu riyo ku arkay kowkab ama xidig ween oo kasoo baxay samada kadibna qoraxdii iftiinku ka tagay
Sixroolayaasha waxe ugu fasireen inu u dhalan doono wiil isaga burburin doono
Wuxuu amray in la gowraco wixii wiil ahaa oo sanadkaas dhashay
Nabi ibraahiimna sanadkaas ayu dhashay waxaa qarisay hooyadii ilaa uu ka waynaaday, markaasuuna diiday inuu caabudo namruud iyo asnaamtaba
Hadaan u imaano namruud abtirkiisa wuxuu ku laabtaa nabiyullahi nuux CS, namruud casrigiisuna wuxuu ka dambeeyay casrigii maanshoodka kaasoo dhacay casrigii nabi nuux CS
Waana namruud binu kancaan binu kowsh binu xaam binu nuux
Waxaana maanta ciraaq laga helaa in badan oo aasaarta namruud kamid ah, waxaana kamid ah wax lugu magacaabo kaalij ama namruud, waxaana laga helaa magaalada aashooriya oo ku taala koonfurta magaalada muusil
Tani waa qisadii namruud naclatullah calayhi wuxuuna kamid aha boqorada kufaarta ahaa kuwooda ugu waaween gabagabadiisuna ku dhamaatay qasaaro iyo hoog
Labels: Qisooyin