Monday, August 15, 2022

qisadii xiisaha badneyd ee saaxibul jannateyn ee lugu sheegay qur'aanka dhexdiisa

      السلام عليكم ورحمة الله وبركاته



      Waxaa la yiri sababta loosoo dejiyay qisadaan saaxibul janatayn waxay ahayd, in quresh la tuso cawaaqib xumada ay leedahay gaalnimada iyo isla weynidu

      Waxaa jiri jiray laba nin, wuxuu alle SW labadoodaba siiyay xoolo aad u farabadan iyo beero iyo dhul aad u balaaran

      Riwaayadaha qaar waxay sheegaa in labadaan nin  ay ahaayeen laba nin oo walaalo ah

      Waxayna xoolo farabadan ka dhaxleen aabahooda

      Riwaayado kalena waxay sheegaan in ay ahaayeen deris ama saaxiibo

      Siday ahaataba Midi wuxu ahaa nin isla ween oo kibir badan oo xoolo caabud ah

      Midka kalena wuxuu ahaa nin wanaagsan oo aad u degan oo dadkana jecel oo masaakiintana caawiya

      Midkii wanaagsanaa wuxuu xoolihisa intooda badan ku bixin jiray u adeegidda iyo taakuleynta masaakiinta iyo danyerta, ilaa uu xoolihiisa intooda badan ku dhameeyay, Mar walba oo uu soo maro qof baahan wuxuu wax ka siin jiray xoolihiisa

      Balse saxiibkiisa xoolo badan ayuu aruursan jiray wuuna kaydin jiray, markaasu gatay laba beerood oo waaween wuxuuna ku beeray geedo qurqurux badan, beertuna waxay u noqotay beer aad u qurux badan

      Waxaa ka soo baxay miro iyo geedo iyo khudaar aad u fara badan

      Webi ayuuna alle SW agtooda u mariyay kaaso beertii u siyaadiyay doog iyo qurux

      Allena SW wuxuu yiri:

      واضرب لهم مثلا رجلين جعلنا لأحدهماجنتين من أعناب وحففناهما بنخل وجعلنا بينهما زرعا

      Balse nasiib daradiisa iyo isla weynidiisa iyo caqli xumadiisa awgii waa uu ku kedsoomay beerahaan,

      wuxuuna mooday in uu ku helay tacabkiisa iyo caqligiisa oo keliya

      Wuxuuna inkiray fadliga uu alle SW siiyay

      Balse alle SW waa uu u sugaa adoonkiisa balse ma halmaamo,
Ninkii wanaagsanaana waxaa u ziyaaday  iimaan iyo jacaylka alle SW iyo yaqiintiisa

      Maalin maalmaha kamid ah ayaa waxaa sheekestay labadaan nin

      Ninkii xumaa ayaa saaxiibkiisa mu’minka ahaa geeyay beertiisa si uu u soo tuso quruxdeeda kadibna ugu faano xoolihiisa sidii caadada u aheedba

      وكان له ثمرفقال لصاحبه وهويحاوره اناأكثرمنك مالاواعزنفرا

      Markaasay beertii dhax galeen

      Kii beerta lahaa waxaa qaaday kibir iyo islawayni markaasu yiri isago qoslaya: Uma maleynaayi in beerteydaan weligeed baabi’I doonto

      Mana rumeysani qiyaamo iyo jano iyo naar midna_

      Hadayba jano jirtana waxaan hubaa in rabigee I gelin doono janada oo uu issiin doono beero iyo miro intaan ka sii badan

      ودخل جنته وهوظالم لنفسه قال ما أظن أن تبيد هذه أبدا

      Tani waa dhaqan ay ku dhaqmaan  in badan oo kamid ah dadka maanta jooga, Waxay moodaan hadii uu alle SW xoolo siiyo in uu jecelyahay oo ay agtiisana boos ween ku leeyihiin

      Iyagon salaadna tukan si dhab ahna alle u rumaynin SW

      Ninkii wanagsanaa markii uu maqlay hadalka saxibkisa waa uu ka carooday wuxuuna ku yiri:

      أكفرت باللذي خلقك من تراب ثم من نطفة ثم سواك رجلا

      Sidee ugu gaaloobeysaa allihii ku abuuray oo ku arzaaqay oo xoolo iyo awlaadna ku siiyay

      Ma waxaad moodaa in aad alle ka maaranto

      Hadalkana wuxu ugu soo gabagabeeyay

      ولولا اذ دخلت جنتك قلت ماشاءالله لا قوة الا بالله

      ان ترن أن أقل منك مالا وولدا

      Saxibkeygiyow alle uga mahad celi nimcadaan uu ku siiyay

      Hadad igu faanayso wuxuu alle SW ku siiyay, alle wuxuu awoodaa in uu I arzaaqo oo uu wuxuu ku siiyay oo xoolo iyo beero ah ka badan i siiyo_

      Waxaana laga yaabaa in uu alle SW dhulkaaga usoo diro duufaan iyo musiibo kana dhigo dhul engegan, gaalnimadaada awgii

      Maalinkaas galabkiisa waxaa dhacay wax aanan la filanayn

      Wuxuu alle SW gaalkan usoo diray ciqaabtiisa iyo cadaabkiisa. Kadibmarkii uu dhamaan nimcooyinkii uu alle SW siiyay ku abaal guday gaalnimo iyo kufri

      Wuxuu alle SW beertiisa u soo diray dabayl musiibo ah

      Taasoo baabi’isay dhamaan bertiisa. oo geedihiisiina sisiibtay

      Biyihiina waa ay ka engegeen. Waxayna isku bedeshay dhul engegan oo abaar ah.,

      Ninkii ayaa yimid isagoo socda si uu usoo eego wixii ku dhacay bertiisa

      Markii uu arkayna murugo iyo oohin darteed ilin ayaa ka soo qubatay, dhulka ayuuna isku garaacay wejigiisa ayuuna dharbaaxay shallay uu ka shalaynayo gaalnimadiisa

      Allena SW isagoo nooga waramaya wuxuu yiri

      وأحيط بثمره فأصبح يقلب كفيه علي ما أنفق فيها وهي خاوية علي عروشها ويقول ياليتني لم أشرك بربي أحدي

      Balse qadarta alle waa ay dhacday kaafirkaana wuxuu helay wuxuu mutestay.,,,

      Ninkii mu’minka ahaana alle SW wuxuu ku badbaadiyay iimaankiisii iyo camalkiisii wanaagsanaa

      Ninki xumaana wuxuu u waalanayay mar uun in ay usoo laabtaan xoolihiisa iyo beerihiisa iyo noloshii barwaaqada ahayd

      Balse wuxuu alle SW ku ciqaabay dullinimo iyo faqri

      Wuxuu noolaa isagoo faqiir ah oo jirran oo dulli ah ilaa uu ka geeriyooday

      Qissadaan waxaan ka qaadan karnaa daciiftinimada iyo tabar darrida banii aadamka, Iyo in uu alle SW raaziq yahay oo uu wax walbo awoodo. Iinsaanka iyo wuxuu haystoba ilbiriqsi gudaheed ayuu alle SW ku baabi’iyaa haddii uu doono

      Caaqilkuna waa qofka alle SW uga mahad celiya nicmooyinkiisa, acmaashiisa iyo afcaashiisana waafajiya amarka alle SW.,

      هذا والله سبحانه وتعالي أعلي وأعلم

      وصل الله وسلم وبارك علي سيدنا محمد وعلي آله وصحبه أجمعين

      والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

      Fadlan ha illoobin in aad la sii wadaagto asxaabtaada mahadsanid

Labels:

Monday, August 8, 2022

qisadii xiisaha badnayd ee bariira iyo zowjkeedii hore

 


السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

 dhamaan daawadiyaasheeda sharafta leh ee ku xeran websitekeena,

Dumarkii joogey xilligii nabiga SC waxey juhdi iyo dadaal fara badan ku bixin jireen islaamka,

Waxey nabiga SC ka baran jireen arrimaha diintooda, kadibna waxey sii bari jireen dumarka kale.

Waxaana jiri jirtey saxaabiyad jaliil ah oo magaceeda la oran jirey bariirah

Waxey saxaabiyadaani kamid ahaan jirtey addoomada,

Waxeyna ku noolaan jirtey nolol qalafsanaan ah oo aad u murugo badan, waxeyna aheyd mid aanan weligeeda kabban kabbasho farxadeed,

waxeyna ahayd mid laga qadiyey xanaaneynta iyo koolkoolinta waalidiinteeda,

Balse Ugu dambeyntii ummunaa caaisha Allah haka raali noqdee ayaa intey iibsatey kadibna Alle dartiisa u xureysey SW.

bariira ayaa markii ay weynaatey waxey guursatey: saxaabi la oran jirey mugiith ibnu jaxshi, kaasoo isaguna ahaa mid adoon ah,

Waxeyna u dhashay hal canug.

Bariira ayaa guriba guri uga sii gudbeysey illaa ugu dambeyntii nasiibku uu ka soo ridey gurigii nabiga SC, waxeyna khaadim u noqotey oo ay akteeda joogi jirtey umunaa caaisha radiyallahu canhaa.

Waxey aheyd qofkii ugu caansanaa ee nabiga u khidmeysey markii la eego xaga dumarka,

Waxeyna habeen iyo maalinba dhax joogi jirtey nabiga SC gurigiisa si ay ugu khidmeyso isaga iyo umunaa caaisha RC

Ilaa nabiga SC xittaa hadii uu u baahdo cadey ay u keeni jirtey bariira,

Bariira allah haka raali noqdee waxey ahayd mid tusaale loogu soo qaato sharafta iyo akhlaaqda iyo deeqsinimada

Waxeyna aheyd mu’minad aad u sabar badan oo ilaalshaneysa diinteeda iyo islaamnimadeeda,

Nolosheeduna waxey tusaale u aheyd zuhdiga iyo taqinimada iyo alle ka cabsiga SW

Waxeyna noqotey mid dadka oo dhan ay wada yaqaanaan oo ay u keenaan hadiyado fara badan,

Wuxuuna sha’nigeeda iyo sharafkeeda kor u noqdey u khidmeyntii ay nabiga SC u khidmeysey awgeeda

Balse waxaa aad u sii xumaanayey khilaaf u dhaxeeyey iyada iyo zowjkeeda,

Maxaa yeeley isagu wuxuu ahaa nin adoon ah, iyaduna waxey noqotey mid xur ah, waxeyna diidey in ay la sii noolaato

Kadib markii ay xurrowdey ayuu nabigu SC kala dooransiiyey in ay la sii noolato ninkeeda-oo-adoon ah, ama in ay kala tagaan oo kadibna ay guursato nin xur ah,

Kadibna Waxey bariira dooratey kala taga,

Kadibna ninkeeda ayaa murgey murugo aad u fara badan, wuxuuna aad uga ooyey kala tagooda,,

Wuxuu mugiith oo ahaa bariira ninkeeda isagoo ilmo fara badan ay ka qubaneyso dhabanadiisa dadka hortooda bariira uga baryi jirey in ay u soo laabato.

Marbuu nabiga SC isagoo la fadhiya saxaabadiisa wuxuu arkey mugiith iyo xaalkiisa, markaasbuu nabigu SC u calol dabcey oo xaaladiisana ka calol xumaadey

Markaasbuu asxaabtiisa ku yiri: war miyaadan la yaabin jacaylka uu mugiith u qabo bariira, iyo carada ay bariira u qabto mugiith, kadibna nabiga SC intuu istaagey ayuu wuxuu aadey bariira xageeda,

Wuxuuna uga waramay mugiith xaalkiisa, iyo wixii ka muuqdey oo murugo iyo tabar daro ah,

Kadibna wuxuu nabigu SC u ban dhigey in ay ku laabato oo ay ugu naxariisato tabar daridiisa iyo oohintiisa awgii

Isla markaasna waxey bariira xasuusatey maalmihii qalafsanaa ee ay ku nooleed addoonimada

Kadibna waxey nabiga SC ku celisey su’aal kale, waxey tiri: yaa rasuulallah amar miyaa mise waa shafeeco ama ergouun

Kadibna nabiga SC ayaa ku yiri: maya waxaan ahay uun mid u ergeynaya ama u shafeecaya,

markaasbey tiri: yaa rasuulallah wax dan ah kama lihi

Bariira waa ay diidey shafeecadii nabiga SC.

فاللهم لا تحرمنا شفاعة نبيك صل الله عليه وسلم يوم القيامة

هذا والله سبحانه وتعالي أعلي و أعلم

وصل الله وسلم وبارك علي سيدنا محمد وعلي آله وصحبه أجمعين

Daawadiyaasheyda sharafta leh, waxaan filayaa in aad ka wada faaideysateen qissadaan, hadii aad ka faaideysatey fadlan ha iloobin in aad like saarto oo aad la sii wadaagto asxaabtaada.

Labels:

Saturday, August 6, 2022

qissada dhagixii nabi muuse kala cararay dharkiisa



السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Dhamaan daawadiyaasheena sharafta leh ee ku xeran websitekeena.

 Qisada dhagaxii nabi muuse CS ka xaday dharkiisa, kuna qasbay in uu qoomkiisa ku soo baxo isaga oo qaawan.

 Waxay banuu israa’iil nabiyullahi muusaa CS u dhibeen si aanay u dhibin anbiyadii isaga ka horeysey,

Waxay mar walba shaki gelin jireen run sheegistiisa iyo nabinnimadiisa, weliba iyaga oo indhahooda ku arkayey intaaso mucjisooyin ah oo uu Alle SW ugu soo dhiibay nabi muuse CS.

Waxaan halkaan idinkugu soo gudbin doonaa: qisada dhagixii nabi muuse CS kala cararay dharkiisa, kuna qasbay in uu isaga oo qaawan ugu soo baxo banuu israa’iil hortooda, iyo sababta ka dambeysay in ay dhacdo mucjisadaasi.

waxaana daliil uga keeni doonaa qur’aanka kariimka ah iyo sunnadii nabigeena SC, ka bogasho wacan.

Waxaa qissadaan layaabka badan inoo soo wariyay nabigeena muxamad SC, waxeyna dhacday xiligii nabi muuse CS, kaasoo aad ugu dhibtoodey  qoomkiisa caqli xumidoodii iyo ficilladoodii layaabka badnaa iyo dhibkoodii.

Wuxuu nabi muuse CS ahaan jiray mid aad ugu dadaala asturnaanta jirkiisa, markaasbay qoomkiisu uga tuhmeen in uu sidaas u sameynayo si uu u qariyo cilad ku taalla jirkiisa, Waxayna dheheen:

immaa wuxuu qabaa baras ama xanuun kale, ama waxaa jirkiisa ku taalo xumaato kale oo uu qarinayo.

markaasbuu alle SW doonay in uu nabigiisa ka bari yeelo -wax yaabaha ay ku tuhmayaan, iyo in uu ka reebo dhibkooda,

, عن أبي هريرة رضي الله عنه, عن النبي صلي الله عليه وسلم قال: كانت بنواسرائيل يغتسلون عرات, ينظربعضهم الي بعض, وكان موسي يغتسل واحده, فقالووالله ما يمنع موسي أن يغتسل معنا إلا أنه أضر, فذهب مرة يغتسل فوضع ثوبه علي حجر, ففر الحجربثوبه, فخرج موسي في اثره يقول: ثوبي ياحجر, حتي نظرت بنو اسرائيل الي موسي فقالو: والله ما بموسي من بأس, وأخذ ثوبه, فطفق بالحجر ضربا

Abii hureyra allah haka raali noqdee wuxuu nabiga SC ka wariyay in uu yiri: banuu israaiil waxay ahaan jireen: kuwo halmeel iskula qubeysta iyaga oo qaaqaawan Oo midba midka kale eegayo.

nabi muusena CS wuxuu keligiis ku qubeysan jirey meel ka durugsan dadka, Markaasbay banuu israa’iil waxey dheheen:

wallahi muuse wuxuu nagula qubeysan la’yahay wuxuu qabaa adarro (Adarraduna waa xanun ku dhaca xubnaha taranka ee raga) kadibna xumeeya xubinta muuqeeda.

Wuxuu yiri SC Maalin maalmaha kamid ah ayuu nabi muuse CS u baxay in uu soo qubeysto, Markaasbuu  dhagax meesha yaalay kor saartay dharkiisii, kadibna dhagaxii ayyaa kala cararay dharkiisa.

Markaasbuu nabi muusena CS dhagixii daba orday isaga oo dhahaya: dhagaxyohow isii dharkeyga, ilaa banuu israa’iil ay ka arkeen nabi muuse oo dhar la’aan ah.

Kadibna waxey dheheen: wallahi muuse jirkiisa wax dhib ah ma qabo, Markaasbuu dharkiisa ka qaatay oo ulna ku dhuftay dhagaxii.

Wuxuuna Alle SW dhacdadaan ku xusay qur’aankiisa kariimka ah, wuxuuna yiri:

(ياأيهاالذين ءامنولاتكونوكالذين آذو موسي, فبرأه الله مما قالو)

Kuwa Alle iyo rasuulkiisa rumeeyay oo iimaanka laga heleyow ha noqonina kuwii nabi muuse dhibay oo kale,

Oo kadibna uu Alle ka bari yeelay wixii ay ku sheegeen.

Kuwa nabi muuse CS dhibay waa qoomkiisa banuu israa’iil, Wixii ay ka sheegeena waxay ahayd: in ay dheheen wuxuu jirkiisa leeyahay ceeb uu qarinayo.

Dadka qaarkood waa ay la yaabi doonaan qisadaan, waxayna is weydiin doonaan: sideebuu dhagax u cararayaa isaga oon nafba lahayn?.

balse taasi ma ahan arin Alle SW agtiisa ku culus Mana gariibsan doono qofkii rumeysan mucjisooyinka nabiyada iyo wax yaabaha aan caadiga ahayn ee uu Alle SW ku ayyiday anbiyadiisa.

 Dhagax in uu cararo kama yaab badna in baddii la kala dhambalo, iyo in dib loo soo nooleysiiyo naf dhimatay, iyo in dabkii laga dhigo mid qabow oo aanan dhib geysan, iyo kuwo kale oo badan oo kamid ahaa mucjisooyinkii nabiyada.

Wuxuuna Alle SW ogaa in tuhunkaan lugu tuhmay nabi muuse CS iyo risaaladiisa Ay tahay mafsado ka ween kana daran, in la arko nabi muuse CS cawradiisa.

Dhibka nabi muuse CS gaaraya hadii la arko cawradiisa ayaana ka fudud tuhunka ay qoomkiisu ku tuhmeen,

Wuxuuna Alle SW in ay arkaan ugu suurageliyay daruuro awgeeda, daruuradaaso ahayd in tuhunkaan laga qabo laga baabi’iyo.

Waxaan filayaa qisadaan in aad ka wada faaideysateen, hadii aad ka faaideysatay fadlan ha iloobin in aad like saarto oo aad la sii wadaagto asxaabtaada

هذا والله سبحانه وتعالي أعلي وأعلم وصل الله وسلم وبارك علي سيدنا محمد وعلي آله وصحبه أجمعين والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته


Labels:

Wednesday, August 3, 2022

qisada haweeney ka ilmeysiisey malakul mowdka

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته



 Dhammaan  Daawadiyaasheena sharafta leh Ee ku xeran websitekeena.

Waxaan halkaan Idinkugu soo Gudbin doonaa: Qiso la yaab leh Oo ka oohisey malakul mowdka, taasoo sidoo kale Marna ka qoslisey, Marna Cabsi gelisey.

Haddaba dhammeyso maqaalkaan Si aad u ogaato Waxa ay aheyd Qissadaasi.

Wuxuu Alle SW Malakul mowdka U soo direy: Si uu nafta Uga qaado Haweeney kamid aheyd dadka,

Markii uu malakul mowdku U yimid Si uu nafta Uga qaado Ayyuu Wuxuu arkey:

In ay keligeeda tahay Oo uusan Qofna ka ag Dhaween Markii laga reebo Canugeeda yer oo ay naaska nuujineysey,

Waxeyna ku sugnaayeen Dhul saxaaro ah Oo cidlo ah Oo aysan Dadba Ka dhaween,

Markii uu malakul mowdku Arkey xaalkeeda Iyo canugaan yar Oo mujuqa ah oo ay wadatey, Iyo isagoo u yimid Si uu nafteeda uga qaado,

Ayyuu is heyn kari waayey Oo la ilmeeyey Xaalkooda, Isagoo u Calool xumaanayey Canugaan yar oo sabiga ah,

Oo aanan hadli Karin, Oo aanan socodna Meel ku gaari Karin, Oo cidna uusan U qeyla dhaansan Karin,

Oo cid ka dhow oo  biyo xittaa dhuunta  Ugu  qoysa aysan jirin, Oo hooyadiisana nafta laga qaadayo, Iyo isagoo ku qasban In uu fuliyo Wixii loo  Soo  direy.

Markaasbuu hooyadiisa Nafta ka qaadey Oo isaga tagey, Sida uu Alle Ku amrey SW.

Wuxuu Alle SW Qur’aankiisa Kariimka ah Dhexdiisa Ku yiri:

:لَّا يَعْصُونَ ٱللَّهَ مَآ أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ

Malaaiktu waa kuwo Aanan ku Caasinin Wuxuu Alle Ku amro SW Waxeyna mar walba u taaganyihiin fulinta amarka rabbigooda SW.

Markii ay dhacdadaas Ka soo wareegatey Sanado fara badan Ayyuu wuxuu Alle SW Malakul mowdka U soo direy, Si uu nafta uga soo qaado Nin kamid ahaa Dadka.

Markii uu malakul mowdu U yimid ninkii Lugu amrey in uu nafta ka soo qaado, Ayyuu wuxuu arkey In uu yahay: Nin odey ah Oo waayeel ah.

Wuxuuna u yimid Isaga oo ushiisa ku taagsan Oo ag taagan nin tumaal ah,

Wuxuuna ninkii tumaalka ahaa Ka dalbanayey In uu u sameeyo Fadhi ama taako Bir ah oo uu gashto Usha salkeeda, si aysan bacaadka uga dhax gelin,

Wuxuuna tumaalka Kula dardaarmayey In uu uga dhigo Taakko adag Si ay ushiisa u sii jirto Sanado fara badan.

Markaasbuu wuxuu Malakul mowdkii Iska celin waayey In uu ku qoslo Oo uu la yaabo dadaalka uu Odeygaan ugu jiro Si uu sanado badan U sii noolaado,

Isagoo weliba jira Da’daan aadka U weyn,

Maba ogaba in cimrigiisa Ay ka dhimantahay Daqiiqado Kooban oo keliya.

Markaasbuu Alle SW Malakul mowdka U soo waxyoodey Isagoo ku yiri

:فبعزتي وجلالي إن الذي أبكاك هو الذي أضحكك

Wuxuu Alle SW Malakul mowdka Ku yiri: Cizzigeyga iyo Jalaalnimadeyda Ayyaan ku dhaarteye Midkii kaa oohiyey Waa isaga oo Hadana Kaa qosliyey.

Subxaanallah Alle qudradiisa Iyo awwooddiisa Odeygaani wuxuu ahaa Wiilkii yaraa Oo uu hooyadiisa Meel cidlo ah Nafta uga soo qaadi jirey Oo uu sababtiisa U  ilmeeyey Malakul mowdku,

Wuxuu noqdey odeygaan Aadka u da’da weyn Oo ka qosliyey Malakul mowdka Dadaalkiisa iyo Han dheeridiisa awgii.

Balse maxey aheyd Arrinta cabsi gelisey Malakal mowdka.

Wuxuu Alle SW Malakul mowdka Ku yiri: Maxaa ku cabsi geliyey? Wuxuu yiri:Waxaa I cabsi geliyey Markii aad Igu amartey In aan nafta ka soo qaado,

Nin caalim ah oo Culimadaada Kamid ahaa, Waxaan arkey Iftiin ka soo baxaya Qolkiisa,

Marba marka ka dambeeya Oo aan U sii dhawaado Qolkiisa Wuxuu iftiinku Sigayey in uu dib ii celiyo,

Wuxuu yiri Waxaan ka cabsaday Iftiinkiisa Anigo Nafta ka qaadayey.

هذا والله سبحانه وتعالي أعلي وأعلم وصل الله وسلم وبارك علي سيدنا محمد وعلي آله وصحبه أجمعين والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Fadlan daawade Ha  illoobin qisada In  aad like saarto Oo  aad la sii wadaagto Asxaabtaada.

mahadsanid

Labels:

Monday, August 1, 2022

Qisadii layaabka badneyd ee saxaabigii la oran jiray suheyb al ruumiyi RC

 


Assalaamu calaykum dadka waxaa ugu geesisan uguna sharaf badan asxaabtii rumeysay rasuulka SCW bilowgii islaamka

Waxee u bareereen kufaaru qureesh waxeena halis geliyeen naftooda iyo maalkooda iyo weliba ahalkooda iyagoo rumeeyay alle iyo rasuulkii

Asxaabadaas kuwa ugu caansan waxaa kamid ah: suheyb al ruumiyi kaasoo qiso cajiib ah dhax martay asaga iyo kufaaru qureesh kadib markii ay isku dayeen inee dilaan si ay uga reebaan islaamka

Wuxuu sameeyay arin uusan qofna hore u sameen si uu uga badbaado

Suheyb aabihii wuxuu ahaa amiir taabacsan boqor kisraa wuxuuna amiir ka ahaa muusil, asalkiisana wuxuu kasoo jeeday yaman

Suheeb wuxuu ku noolaa cizi iyo barwaaqo joogto ah ilaa iyo yaraantiisa

Maalin maalmaha kamid ah ruum ayaa soo weeraray magaaladooda caruurtii iyo haweenkii wee qafaasheen magaaladiina wee burburiyeen suheeb wuxuu kamid ahaa dadka la qafaashay

Wuxuu mudo la noolaa ruum waxaa hesteen ganacsato ka ganacsata addoomada iyo shaqaalaha,

Maalin maalmaha kamid ah waxa yimid wafdi ka socda banii kalab waxeena u qaateen magaalada makko waxaana ka iibsaday c/lahi binu judcaan oo ahaa ganacsade ween

Maalmo ka bacdi wuxuu c/lahi la yaabay caqliga iyo xikmada suheyb wuxuuna ka xurreeyay adoonimadii

Suheyb wuxuu bilaabay ganacsi ilaa uu ka yeeshay xoolo farabadan iyo sharaf quresh dhaxdeeda

Markii lasoo diray rasuulka SCW wuxuu kamid ahaa dadka ugu horreeyay ee rumeeya rasuulka asaga iyo cammaar binu yaasir

Cammaar binu yaasir waxaa laga wariyay inu yiri “waxaan suheeb binu sinan kula kulmay albaabka daarul arqam oo uu rasuulka ku jiray, waxaan ku iri maxaad doonaysaa? Wuxuu igu yiri adiguna maxaad doonaysaa? Waxaan ku iri waxaan doonayaa inan u galo muxamad oo aan hadalkiisa dhageesto, wuxuu yiri aniguba sidas ayaan doonayay, waxaan u galnay rasuulka SCW wuxuu noo bandhigay islaamka waana rumaynay maalinkii oo dhana meeshaas ayan ku jirnay ilaa aan ka galabeesanay kadibna waa aan soo baxnay anago is qarinayna”

Suheb wuxuu kamid aha 7da qof ee ugu hor caddesatay iimaankooda lana bambaxday

Sidas darted ayu ula kulmay ciqaab iyo cadaab aad u farabadan, qoraxda ayaa lagu xeri jiray waxaana lala ciqaabi jiray cammaar binu yaasir iyo ahalkiisa

Maalmo kadib markuu nabiga SCW madiina u hijrooday suheb wuxuu go’aansaday inuu qaato wuxuu lahaa oo maal ahaa rasuulkana ka daba tago

Wuxuu ku dhaqaaqay xilli habeen bar ah oo kufaru quresh wada hurdaan

Maalkiisii ayuu qaatay daabadiisii ayuuna koray wuuna dhaqaaqay asoo quresh ka cararaya

Waxaa dareemay mid kamida kufaru quresh wuxuuna u sheegay qomkiisa wuuna kiciyay. Waxaa dabagashay koox kamida kufaru quresh si ay usoo celiyaan weena ka dabatageen

Wuu istaagay wuxuuna soo baxsaday warmihiisa iyo gamuunkiisa wuxuuna ku yiri “qureshey waad ogtihiin inan ahay kan idinku liish badan wallaahi imasoo gaareesiin ilaa aan idinku soo rido dhamaan warmahayga wixii idinka soo harana waxaan ku garaaci doonaa seefteyda

Waxe ku dheheen: adigoon waxba heesan ayaad inoo timid agteena ayuu maalkaagu ku batay markaasad doonaysaa inad naftaada iyo maalkaagaba la baxdo wallahi taas ma dhaceso.

Wuxuu ku yiri ka warama hadaan maalkeyga idiin dhaafo maisii deynesaan? Waxe dheheen haa.

Wuxuu tusiyay meesha uu maalkiisa ku qarsaday wixii maal uu lahaana wuu oga tagay. Waxeena u ogolaadeen inuu hijradiisa sii wato ilaa uu madiino ka gaaro. Kadib marku dhamaan wuxuu hestay uga tagay diintiisa awgii

Suheb wuxu baxay asagoo ku faraxsan inuu ka badbaaday kufaaru quraysh si uu ula kulmo rasuulka SCW uguna bishaareeyo imaanshihiisa

Markuu madiina soo gaaray wuxuu u jihestay rasuulka SCW dhankiisa. Rasuulka ayaa ku qaabilay dhoola caddeen farxadeed wuxuuna ku yiri:”rabixal baycu abaa yaxyaa, rabixal bayc rabixal bayc” sadex jeer

Wuxuu yiri rasuul allow qofna igama kaa hormarin qofaan jibriil aheena kuuma sheegin.

Taasna waxee kamid aheed karaamooyinka nabiga SCW, wuxuu ogaaday wixii dhacay iyadoon qofna u sheegin wuxuuna alle soo dejiyay aayadan :(ومن الناس من يشري نفسه ابتغاء مرضاة الله والله رؤوف بالعباد)

Suheeb wuxuu noloshiisa ku dhameste asago deris la ah rasuulka SCW, mana uusan ka dib dhicin dhammaan gazawaadkii uu rasuulka hogaaminayay SCW, ilaa uu ka geeriyooday sanadkii 38aad ee hijriga RC

Waad ku mahadsantahy sidad degan ee aad ku aqrisatay fadlan commentiga noogu reeb wixii talo ah iyo ra’yi intaba mahadsanid

Labels: